Haweeneyda Mareykanka u qaabilsan arrimaha dibadda Hillary Clinton oo magaalada New York warbaahinta kula hadashay ayaa ugu baaqday Hogaanka al Shabaab in ay labaabada deegaanada ay ka taliyaan u furaan Gargaarka ku socda dadka dhibaateysan ee carruurta iyo haweenka u badan.
Mrs. Clinton waxay al Shabaab u sheegtay inaysan waxba ka faa'iideyn dhibaatada ay shacabka Soomaaliyeed ku jiraan, waxayna kula talisay in ay dadka u naxriistaan oo hay'adaha gargaarka u ogolaadaan gaarsiinta gargaarka dadka baahan.
Ismaandhaaf ballaaran ayaa ka dhexjira hay'adaha gargaarka iyo xarakada al Shabaab, waxaana la baahiyay in al Shabaabku ay horjoogsadeen gurmadka ku sii jeeda dadka tabaaleysan, laakiin al Shabaabku waxay ku doodeen in arrintu aysan sidaas aheyn oo ay ogol yihiin in ay la shaqeeyaan gargaarka kuwa wada waa haddii hay'aduhu ay u hogaansamayaan shuruucdoodee.