Taliyihii xoogagga al Shabaab ee deegaanka KM13 ee duleedka magaalada Muqdisho Mustaf Xasan Maxamed ayaa saxaafadda kula hadlay Xarunta Nabadsugida Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho kadib markii uu ka soo goostay al Shabaab, .
Mustaf oo ah nin da'yar ayaa mar uu ka hadlayay dareenkiisa wuxuu sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu ka soo tago koooxdii uu ka tirsanaa, kooxdaas oo uu ku eedeeyay in ay dhibaatooyin ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.
Mas'uuliyiin dowladda ka tirsan oo iyaguna dhacdadan ka hadlay ayaa ugu baaqay dhalinyarada Soomaaliyeed ee al Shabaab ku jira in ay ka soo tagaan oo dadkooda iyo dalkooda u adeegaan.
Mas'uuliyiinta al Shabaab ayaan weli wax war ah ka soo saarin taliyahan sheegay in uu ka soo goostay xoogagooda.