Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Telesom Shirkad Dhaqaaqday oo Isgaadhsiineed + Shaqaale Aqoon ka Aradan, Hadana qab Waynidu ku wayntahay, Allow jid u bixi….,Qalinkii: Guuleed Gahayr Guutaale

$
0
0

Marka aad tahay Shirkad Ganacsi haddana u adeegta Dadweyaha , waxay bulshada  kuu Macaamiisha ahi u baahan tahay hadalo dabacsan oo ay ka Muuqato Tixgalin, oo ay Hareer socoto Soo dhawayn iyo gacmo Furan.
Shirkadda Isgaadhsiinta Telesom ayaa ah mid ka Aradan soo dhawaynta Dadweyaha iyo Qancintooda, marka aad u eegto Shirkadaha kale ee Dhigooda ah.
 
Hadaad Tahay Masuul Shirkada Telesom ah Akhristow inta uu Miiskaaga kuu soo fadhiisto Ruux ah Macmiishaada una socda Cabasho iyo in uu Masuul Sare oo u gudbiyo Cabasho iyo in la Qanciyo wax uu goconayo una bahaan in aayar iyo si xushmadi ku jirto laga Qanciyo ma odhan lahayd .
 
Inta aad Telefoon iska Qabsato muddana  uu ku hor fadhiyo Macmil kaagu oo aanad Care siinin Waliba inta uu Salaanta Islaamka ah kugu Salaamay aanad ka qaadin taas oo qaadata Muddo aan ka yarayn 15 minit oo waliba aanad hayn shaqo shirkadeed ee aad intaa ku hadlayaysay Arrimo khaas ah, inta aad aayar soo jeedsato hadana Mid kale waa Telefoon e inta aad hadana Qabsato Waraaqna aad Fiirfiiriso adiga oo aan uba jeedin Macmiilkaaga ku hor fadhiya Wakhiga faraha badan.
 
Markii uu ku yidhi fadlan wakhti yar i sii aan kugula hadlo wakhti ayaan kula joogee inta aad si cadho ku jirto iyo xanaaq ahi  (Bini aadamnimadana ka baxsan Cadho aad qarsan kari waydayna) maxaad doonaysaa maxaad u socotaa orodoo inankaa Halkaa ka soo jeeda u tag oo waxa aad doonayso waydii kuuguna jawaabay macmiilkii Adiga ayaan ku rabaa oo ah masuul sare sida ka muuqata tabeelahan yar ee hortaada ku dhejisan ee Sales Opertion Manager ee anigu waxaan u socdaa Masuul sare oo aan u bandhigo cabashadayada ee cida qaabilsan ii sheeg ama adigu i qanci ma odhan lahayd Adiga oo weli Koortii yarayd ee aad ku hadlaysay  haya Waar  ninkaas u tag una sheeg waxa aad sheegayso iyo Ninkee iyo Kuwaas hadda waa Dad Shaqaale safan oo dhamaantood ah Shaqaale hoosaad waana kuwii aan ka cabanayay bal adba!!!!!!!.
 
Shirkada Telesom halka ay  gaadhay Haatan ayaa waxa lagu tilmaami karaa shirkada ugu Tayada Xun la macaamilka Macaamisha Shirkada  intii ay Jireen ama ay hanaqaadeen Shirkadaha Wadaniga ah ee umadda u haya adeegayada muhiimka ah !!!.
 
Dad badan oo aan aniga ka mid ahay waxay isla markiiba is Waydiiyaan Shirkadda Telesom marka ay sidan ay ula dhaqmayaan Macaamisha ay ku taagan yihiin Walibana ay jiraan Shirkado kula jira tartan Xoog lihi , Ma Aqoon Daraa, Ma Dad u adeegaya shirkado kale oo xumeynaya Shirkada Telesom baa, Maxayse Masuuliyiinta iyo Mulkiilayaasha Shirkada Telesom ay ugu daawanayaan Dadkan baabiinaya Curyaaminaya Shirkadda Mise waa Inamadan Sidan u galaya macaamiisha Shirkadu waa Siri Daalik!!!!????
 
 
La soco Qaybo kale  maqaalkan ku saabsan Shirkada Telesom, Telesom  Shirkad Dhaqaaqday oo Isgaadhsiineed  + Shaqaale  Aqoon  ka Aradan, Hadana qab Waynidu ku wayntahay, Allow jid u bixi………..
 
 
Qalinkii: Guuleed Gahayr Guutaale
Hargeysa Somaliland
Email:guleedxasan@hotmail.com
Fiiro Gaar Ah:  Fadlan la soco anigu Qoraalkan uma Qorin in aan ku Weeraro Shirkadda Telesom oo aan adeegeeda Isticmaalo haday Tahay Zaad, Mobile , Line iyo Salaam intaba  , balse muujin dareen Macmiileed iyo La dhaqankiisa weeye………..
 
—————————————————————————–
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla, 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>