Marka hore waxaan halkan ka salaamayaa dhamaan Shacabka Somaliland meel kasta oo ay joogaanba. Waxaan kaloo salaamayaa saxaafada xorta ah. Salaam ka bacdi, waxaa maanta igu kalifay in ann qalinka qaato ka dib markaan arkay war maanta ku soo baxay barta internetka kaas oo tilmaamaya wada hadal dhex-maray Madaxda Xibiga Ucid iyo Xeer Illaaliyaha Guud ee Qaranka. Madashaas oo uu Xeer Ilaaliyuhu ka Yidhi Hadalo aad moodo in ay Xisbiyaysan yihiin ama aad moodo in uu la safnaa labadii dhinac ee is hayay mid ka mid ah. Mida kale, waxaan iyadana hore u hayay dhacdooyin fara badan oo Masuuliyiin Xilal kala duwan haysaa ay ku keceen taasoo abuuraysa dareen ah in ay haysato dhibaato shaqo aqooneed. Hadaba, waa maxay dhibaato shaqo aqooneed?
Dhibaato shaqo aqooneed waa dhibaato kasta oo kaa gasha aqoonta uu qofku u leeyahay shaqadiisa. Waxay noqon kartaa aqoonta uu qofku u leeyahay farsamada shaqada, waxay noqon kartaa aqoonta uu qofku u leeyahay waxay tahay shaqadiisuba, waxay noqon kartaa waayo aragnimo iyo wax yaabo kale oo fara badan oo dhamaantood ka ciyaara door muhiima marka qof shaqadiisa qabsanayo. Ugu horeeya ee muhiimka ah in uu qofku fahmo si uu shaqadiisa u qabsado qofku waa in yaqaanaa macnaha ama waxay shaqadiisu qeexayso in ay tahay (duty description). Mar haduu qofku fahmo waxay shaqadiisu tahay, waxa sahlanaanaysa in uu fuliyo ama uu aqoon dheeraad ah u yeesho fulinteeda. Hadase waxay u muuqataa in Qaar badan oo ka mid ah masuuliyiinta qaranku aanayba fahan sanayn macnaha shaqaday hayaan. Taasina waxay ku tusinaysaa dhibaatada ka haysata Masuuliyiinta Shaqo-Aqooneedkooda.
Ta labaad, dawlad kasta oo caalamka ka jirta waxa lagu qiimeeyaa sida marba ay masuuliyiinteedu hawshooda u gutaan. Waxaan madaxwaynaha kula talinayaa in uu marka uu magacaabayo cid in aanu eegin reerka uu ka soo jeedo ee uu eego shaqada ma qabankaraa. Waxaad mar marka qaar arkaysaa dhakhtar maaliyad loo magacaabay ama injineer wasaarada caafimaadka loo magacaabay. Taasi waxay ku tusaysaa in aan Maamulka lagu wadin Xul ee ay moodeen xal, taasina waa wax yaabaha ugu waaweyn ee wadanka la hadhay. Marka la xulaayo qof in uu shaqo qabto, waxa la eegaa 3 shay oo kala ah;
- qofkani shaqadan cilmi ma u leeyahay.
- qofkani shaqadan khibrad ma u leeyahay.
- hadii uu cilmi iyo khibradba u leeyahay, ma qabankaa, waayo waxa jira qof cilmi iyo khibrad labadaba leh, hadana aan qaban Karin shaqada.
Sidaa darteed, waxa lagama maar maan ah in la eego sadexdaa qodob hadii la doonayo in aynu ku talaabsano horumar, musuqmaasuquna u yaraada
Allaa Mahad Leh
Maxamed-Nasir M Dhoore
Xidhiidhiyaha Jaaliyadaha Somaliland ee Gobolada Northwest, USA
Main Office: Seattle, Washington.
Email: dhoore@live.com
—————————————————————————–
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla,