Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Ra’isal wasaaraha Turkiga oo sheegay inay Muqdisho ka dhisayaan isbitaal weyn, iskuullo iyo mashaariic kale

$
0
0

Ra’isal wasaaraha Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo magaalada New York ee dalka Mareykanka u jooga ka qeybgalka shirka guud ee Qarammada Midoobay ayaa waxa uu kulan gaar ah la qaatay Ra’isal wasaaraha Soomaaliya C/weli Maxamed Cali Gaas  oo isna shirkaas ka qeyb gelaya.
 
Kulanka ay yeesheen Labada Ra’isal wasaare oo qaatay waqti aad u dheer  ayuu Ra’isal wasaare Erdogan wuxuu u sheegay dhigiisa dalka Soomaaliya in dowladda Turkiga ay Muqdisho ka dhiseyso Isbitaal weyn oo qaada 200 sariir, sidoo kalena ay dayactireyso waddooyinka Muqdisho, iyo qeybo ka mid ah garoonka diyaaradaha Muqdisho, isla markaana ay Muqdisho ka dhisayaan Iskuullo iyo mashaariic kale.
 
Waxa uu Ra’isal wasaaraha Turkiga uu sidoo kale sheegay in ay go’an tahay mar waliba saacidaada dowladda KMG Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay inay sii wadayaan taageerada ay siinayaan Soomaalida.
 
Ra’isal wasaaraha Soomaaliya ayaa uga mahad celiyay Ra’isal wasaaraha Turkiga Erdogan sida uu mar waliba u garab taagan yahay ummadda Soomaaliyeed, wuxuuna si gaar ah ugu ammaanay isla markaana uga mahad celiyay booqashadii geesinimada lahayd ee Ra’isal wasaaraha turkiga uu ku tagay magaalada Muqdisho bishii hore, taasoo dhiirigelisay mas’uuliyiin badan oo beesha caalamka ka tirsan, kuwaasoo ku dayday Ra’isal wasaare Erdogan oo iyagana Muqdisho ka degay, isla markaana ka qeyb qaatay saaciddaada Soomaalida dhibaateysan.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>