Deegaanka Lughaye ee gobolka Awdal / AwdalpressQoysas barakacayaal ah oo ku nool deegaana Lughaye ee gobolka Awdal, kuwaas oo ay tiradoodu gaareyso afar boqol, ayaa la soo sheegayaa inay heysato dhibaatooyin nololeed, waxaana ay wajahayaan xaalado biyo la’aaneed iyo cudurro shubanka uu ka mid yahay oo halkaasi ka dillaacay.Guddoomiyaha Lughaye, Baxsan Saciid ayaa Bar-kulan u sheegay in dad ay ka soo barakacay tuulooyinka hoos taga Lughaye, ayna u baahan yihiin gargaar deg deg ah, isagoo tilmaamay in cudurka shuban biyoodka uu faraba’an ku hayo.Baxsan waxa uu sheegay in qoysaskan oo horey biyo la’aan uga soo barakacay deegaannao kale oo gobolka ku yaallo aysan noloshooda waxba iska badelin markii ay Lughaye imaadeen, waxaana uu gobolka maamulka gobolka Awdal iyo hay’adaha gargaarka ka codsaday in ay dadkaasi gargaar u fidiyaan.Maqaaladda La Xiriira:
↧