Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Iska hor imaad qasaare dhaliyay oo xalay Shabaab ku dhex maray duleedka Muqdisho

$
0
0

Iyadoo maalmahan ay soo xoogeysaneysa khilaaf salka ku hayay lacagaha laga qaado Gaadiidka isaga kala goosha Muqdisho iyo deegaanada loo barakacay, halkaas oo Bar koontarool ay Shabaab ku leeyihiin Siinka Dheer gaadiidka kaga qaadayeen lacago.
Khilaafkaas ayaa sii xoogeystay labo maalin ka hor, kadib markii Horjoogayaasha Shabaab u kala qaabilsan Sh/Hoose iyo Banaadir ay isku qabsadeen lacagahaas.
Maalintii shalay ayay aheyd markii Bar koontaroolka gaadiidka lacagaha looga qaadayay gaadiidka ay ka huleeleen Ciidamadii ku sugnaa, waxaana taasi ay keentay xiisad.
Iska hor imaad u dhaxeeyay Shabaabka ayaa xalay abaarihii 9-kii fiidnimo ka dhacay deegaanka KM13, gaar ahaan nawaaxiga Isbitaalka Al-Xayaat.
Wararka ayaa sheegaya in iska hor imaadka uu ka dambeeyay markii Ciidamo roondeyneysay oo ah kuwa loo yaqaano Xisbada ay isku dhaceen ciidamo kale oo iyana ammaanka sugayay.
Lama oga qasaaraha ka dhashay iska hor imaadkaas, hase ahaatee nusa saac uu socday is rasaaseynta ayaa cabsi iyo qal qal ku abuurtay dadka deegaanka.
Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in xalay u qaateen in deegaanka ay ku dagaalamayeen ciidamada dowladda iyo Shabaab, maadaama iska hor imaadka wax badan socday, isla markaana aanay fileyn in Shabaab uu iska hor imaad ka dhex dhacay.
 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>