Ottawa Sept 26,2011(qurbejoog.com)-Soomaalida ku nool dalka Canada ayaa dhawaan qaaday olole aan noociisa hore loo arag oo ay dunida ugu muujinayaan sida ay uga xun yihiin xaalada macaluul ee dalka Soomaaliya ka jirta.
Qaar ka mid ah Soomaalida ku nool magaalada Torornto ayaa socod ay ku tagayaan magaalada caasimada ah ee Ottawa u soo anbabbaxay sideed casho ka hor.
Socodaalka Soomaalida ayaa ku eg magaalada Ottawa oo Toronto u jirta 500 KM,waxaana qorsheysan in reer Ottawa ay maalinta berito ah uga hortagaan duleedka Ottawa oo ay soo dhaweeyaan.
Waa markii u horeysay ee dad Soomaali ahi socod dherekiisu intaa yahay ay isaga gooshaan masaafo sidaa u kala fog.
Soomaalida ayaa dhawr qodob oo ay ka mid tahay in ay million dollars ururiyaan ay tahay ujeedadoodu iyo in ay dawlada Canada ay ka codsadaan in ay arrimaha Soomaaliya gacan ka geystaan.
Qurbejoog-Ottawa
contact@somalidiasporanews.com
↧
Soomaali sideed maalmood u kala lugeysay Toronto iyo Ottawa
↧