Mid kamid ah mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya oo ka soo jeedo maamulka goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa ka digaya in Shirka wadatashiga Soomaaliya wejigiisa 2aad lagu qabto magaalada Garowe.
Xildhibaan Maxamed Maxamuud Xasan oo Weekiyo ku magac dheer ayaa mar uu xogwareysi siinayay idaacadda maxaliga ah ee Shabelle Radio wuxuu sheegay in ammni darada ka jirta Puntland darteed aan madaxda dalka shir loogu qaban karin Garowe.
Mudanahan oo ka sii hadlay dhibaatada ka jirta halkaas ayaa waxaa uu dhanka kale sheegay in colaadihii ka jiray Koonfurta Soomaaliya ay haatan u soo wareegeen dhanka Puntland, sidaas darteedna aan la isku haleyn karin ammaanka Puntalnd.
Hadalka Xildhibaankan ayaa dhabar-wareen ku noqonaya hamiga Madaxweyne Faroole iyo heshiiskii uu madaxda dowladda kula galayay in shirka Wadatashiga Soomaaliya wejigiisa labaaad lagu qabto Garowe.