Ciidamada ammaanka Kenya ayaa xaqiijiyay in magaala Xeebeedka Kenya ee Mombasa ay ku xireen saddex nin oo u dhashay dalka Ingiriiska.
Booliska Kenya ayaa saddex nin oo Mombasa dalxiis ku joogay xabsiga u taxaabay ka dib markii looga shakiyay in ay xiriir la leeyihiin xoogga al Shabaab ee Soomaaliya ka dagaala, xoogaggaas oo liiska argagixisada caalamiga ku jira.
Taliyaha ciidamada booliska Kenya oo warbaahinta qaarkood uga warbixiyay saddexda nin ee ay xireen ayaa sheegay in hadda ay ciidamadu wadaan baaritaan, baaritaankaas natiijada ka soo baxdana ay dib ka shaacin doono.
Kenya ayaa mudooyinkan difaac uga jirtay xoogagga al Shabaab ee ku teedsan xuduuda kala qeybisa dalalka Soomaaliya iyo Kenya.