Waxaa la sheegayaa in jahwareer iyo mugdi siyaasadeed uu soo kala dhex galay Madxweynaha dowladda KMG Soomaaliya iyo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda.
Sida ilo lagu kalsoonayahay oo ku sugan Xafiiska Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya ay sheegeen waxaa Madaxweyne Shariif lagu wadaa in uu xilka ka ka qaado Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda KMG Dr.C/wali Max’ed Cali Gaas.
Ilaha lagu kalsoonyahay waxa ay sheegeen in uu jahwareer iyo mugdi uu soo kala dhex galay Madaxweynaha dowladda iyo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda kadib markii dhexdoodu uu ka dhashay is fahan waa ku adaana ka qeyb galka shirka guud ee Qaramada Midoobay oo ka socda Magaalada New York ee dalka Maraykanka ah.
Madaxwenaha dowladdda KMG Soomaaliya ayaa waxaa lagu soo waramayaa in uu aad uga carooday ka qeyb galka shirka New York ee Ra’iisul wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya maadaama halkaasi uusan u diran Madaxweynaha, waxaana Madaxweynaha la tibaaxay in uu ka qeyb galka shirkaasi uu u rabay in uu u xusho ergo kale.
Arintaasi ayaa waxa ay dhalisay in fahan wa iyo jahwareer soo kala dhex galay Madaxweynaha dowladda iyo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda oo iminka laga casbi qabo in uu waayo Xafiiskiisa.
Ilo wareedyada ku sugan Xafiiska Madaxweynaha ayaa waxa ay sidoo kale sheegeen in Madaxweynaha uu ka carooday markii wadamadii ka qeyb galayay shirkii ka socda Magaalada New York ay ku ooriyeen Madaxweynaha dowladda Iran Max’ud Axmed Najaad kaasi oo intiisa badan qudbadihiisa ku weerara wadamada reer Galbeedka, waxaana la tilmaamay in Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda uu ka mid ahaa dadkii ku ooriyay Madaxweynaha dowladda Iran.
Arintaani ayaa waxa ay ka caraysiiyay Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, waxaana ilaa iyo iminka aan la’ogayn halka uu ku dambeyn doono jawhwareerka siyaasadeed iyo mad madowga soo kala dhex galay Madxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda.