“20-kii sano ee la soo dhaafay Somaliland way sugaysay inta dunidu u imanayso waxase xukuumaddani go’aansatay inay dunida doonato”
Hargeysa (Somaliland.Org)-Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa ka waramay natiijada socdaal shaqo oo uu ku tagay dalka Maraykanka, waxaanu tafaasiil ka bixiyay nuxurka kulamo uu la yeeshay xubnaha rigliga ah ee Golaha ammaanka iyo dawlada maraykanka.
Wasiirka oo maanta ku soo laabtay dalka waxa uu ka soo degay madaarka caalamiga ah ee Cigaal Intertional Airport Hargeysa, waxaana soo dhaweeyay Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Md. Axmed Xaashi Nuur (Oday).
Wasiirka arrimaha dibada Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, oo saxaafada uga waramayay qolka nasashada ee madaarka waxa uu yidhi “Safarkii aan ku tagnay xarunta Jimciyada quruumaha ka dhaxaysa ee New York,bisha September sanad kasta waxa qaramadda midoobay ay qabataa shirka guud iyo shirka Golaha Ammaanka waxaana inta badan iskugu yimaada madaxweyneyaasha caalamka inta badan waxaana lagaga hadlaa arrimo waaweyn oo saamayn ku leh caalamka. Inta shirka Golaha Guud ka horaysana waxa Golaha ammaanka oo ah golaha ugu weyn ee qaramada midoobay u qaabilsan xaga nabadgelyada, waxaanay u sii diyaariyaan shirka guud ajandaha shirka lagu falan-qeynayo.xukuumadda Somaliland oo garowsan ahmiyada shirkan waxay xidhiidh la samaysatay Golaha Ammaanka oo aanu ka codsanay inay Somaliland siiyaan fursad khaasatan inay xubnaha rigliga ah ay uga waranto qadiyada dhabta ah ee Somaliland. Nasiib wanaag Golaha Ammaanku wuu ka aqbalay xukuumadda markaa safarkan aanu ku tagnay New-york sidaasi ayay ahayd.”
“Waxaanu la kulanay shanta dal ee riglaga ku ah golaha ammaanka oo ka mid yihiin Maraykanka, Ingiriiska, Ruushka Shiinaha iyo Faransiiska, waxa kulamadaasi aanu la yeelanay xubnaha rigliga ah ee qaramada midoobay waxaanu uga waranay xaalada dhabta ah ee Somaliland waxaanu tafaasiil ka siinay in Somaliland tahay dal madax banaanidiisu ku dhisan tahay sharciyad iyo xuduudo caalamiya oo adduunkana uga fadhida inay ka hesho aqoonsi dublamaasiyadeed oo caalamiya. Waxa kale oo aanu u soo bandhigay qaramada midoobay baahida Somaliland u qabto dhinaca adeegyada nabadgelyada, siyaasadda iyo horumarinta,”ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadu.
Wasiirku waxa uu sheegay inuu kulamo kula yeeshay dalka Maraykanka dalalka Masar iyo Koonfur Afrika “Waxa kale oo aanu la kulanay Masar iyo Koonfur Afrika oo ka mid ah dalalka waaweyn ee Afrika ee fikradoodu saamaynta ku leedahay afrika,gaar ahaan dalka Koonfur Afrika waxa uu ka mid yahay Golaha Ammaanka ee qaramada midoobay waxaana aanu ka wada hadalnay xidhiidhka aanu jecelahay inaanu la yeelano. Kulamadii aanu la yeelanay dawlada Masar waxay ahaayeen kuwo xiiso leh oo ka turjumaya in dalkaasi laga samaynayo isbedelo hor leh oo siyaasadeed, waxaana aan rajaynaynaa inay wax ka bedelaan mowqifyadii barigii hore ay dawlada Masar ka taagnayd qadiyada Somaliland,”ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdilaahi.
Waxa kale oo uu tilmaamay inuu kulamo la yeeshay masuuliyiin iyo xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Maraykanka isla markaana ay kulan heer sare ah la yeesheen Wasiir ku Xigeenka Wasaarada arrimaha dibada u qaabilsan Maraykanka oo uuxusay inay ka wada hadleen sidii kor loogu sii qaadi lahaa xidhiidhka ay Somaliland la leedahay dalkaasi.
Wasiirku wuxuu sheegay inay xukuumadiisu ay go’aansatay inaanay sugin beesha caalamku inta ay u imanayso ee ay iyadu doonato, waxaanu yidhi “Siyaasada dibada Somaliland waxay ku salaysan tahay sidii qarankani u helaa aqoonsi caalami ah, waxaan halkan uga mahad celinaynaa xukuumadihii kala dambeeyay ee dalkan soo maray oo intuba arrimo waxtar leh ka galeen qadiyada ictiraaf raadinta waxaanay xukuumad waliba soo gaadh siisay meel. Labaatankii sanadood ee la soo dhaafay waxay qaadatay Somaliland inay sugto inta dunidu u imanayso laakiin waxa xukuumaddani go’aansatay inay dunida aynu doonano.”
Wasiirku waxa uu ku dooday inay awooda saarayaan sidii ay Somaliland cilaaqaad adag ula yeelan lahayd dunida carabta. Waxa kale oo uu ka waramay xidhiidhka Somaliland la leedahay dalalka Afrika iyo kuwa mandaqada.
Intaasi ka dib waxa Wasiirka la weydiiyay su’aalo u dhacay sidan:-
S: Wasiir, waxa lagugu dhaliilayaa in xafiisyadii wakiilada dibadu ay intooda badanio soo xidhmayaan, ta kale Wakiilada dibadu u badan yihiin Yurub halka aad awooda saari lahayd wadamada Afrika ee aqoonsiga dalka yoolkiisu yahay?
J: Wakiilada Somaliland ee dalalka dibadu waa wakiilo si xilkasnimo ah u shaqeeya,socdaalada dibada madaxda dalku ku tagto qeyb weyn ayay ka yihiin haddii ay yihiin u diyaar garowga iyo samaynta xidhiidhadaba. Waxaan jeclahay inaan halkan mahad naq iyo ammaan uga jeediyo Wakiilada dibada.
Waa run oo Somaliland dalalka afrika oo dhan kuma laha wakiilo arrimahaasi waxa xadidaya awooda dhaqaale iyo siyaasadeed. Waxase aan mar walba awooda saaraa meelaha aanu is leenahay waxay muhiim u yihiin qadiyada Somaliland, waxase qorshaha noogu jira inaanu ka furano xafiisyadeena dibadu.
Weriye Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com
↧
Wasiirka Arrimaha Dibada oo ka waramay Natiijada socdaal uu ku tagay Maraykanka
↧