Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Wasiirka Warfaafinta Oo kulan La Yeeshay Shaqaalaha Wasaarada Warfaafinta

$
0
0

Hargeysa (Somaliland.Org)-Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyigelinta JSL Md.Axmed Cabdi Xaabsade oo ay  weheliyaan Agaasimayaasha waaxyaha kala duwan ee wasaarada warfaafinta ayaa maanta kulan balaadhan kula yeeshay hawl wadeenada ka shaqeeya wasaarada hoolka shirarka ee wasaarada  warfaafinta
 Waxa ugu horayn halkaasi ka hadlay Kusimaha Agaasimaha Guud ee wasaarada warfaafinta ahna agaasimaha idaacada Radio Hargeysa  Siciid Aadan Cigge, waxaanu sheegay in   ujeedada kulankai la xidhiidho  sidii loo dardar galin lahaa hawlaha shaqo ee hawl wadeenada wasaaradaasi u hayaan qaranka isagoo sheegay in dhaliili ay ka muqato intii ka danbeysay Imtaaxankii qiimaynta shaqaalaha ee hay’ada shaqaalaha dawladu ka qaaday shaqaalaha wasaarada warfaafinta.
Ku simaha Agaasimuhu waxa uu ku dooday in shaqaalaha qaarkood ay barkinta dheeraysteen oo aanay si joogto ah uga soo xaadirin xarumahooda shaqada, waxaanu shaqaalaha ugu baaqay inay ka soo dhalaalaan waajibaadkooda shaqo.
 Wasiirka wasaarada warfaafinta Md. Axmed Cabdi Xaabsade  oo shirkaasi  ka hadlay ayaa si qoto dheer  u faah-faahiyey   waajibaadka laga rabo qof kasta oo shaqaale ah iyo xilka saaran masuuliyiinta waaxyaha ay wasaaradu ka kooban tahay.
Wasiirku waxa u cadeeyey in shaqaalaha loo furi doono tababaro ay ku qaadanayaan xarunta wasaarada taasi oo salka ku haysa Kobcinta tayada aqooneed ee shaqaalaha wasaarada warfaafinta.
 Wasiirku waxa uu xusay si loo dardar galiyo hawl maalmeedka wasaarada lagu wada xisaabtami doono xiliga uu qof kastaa shaqada soo galo iyo wakhtiga uu ka baxo.
Md. Xaabsade wuxuu ka digay in qof kasta oo shaqaysan waaya uu waayi doono shaqadiisa, Waxaanu hoosta ka xariiqay inay Wasaarad ahaan ay samayn doonaan dib u eegista darajooyinka shaqaalaha si qofkii dadaal muujiyay loogu abaal mariyo midhihii dedaalkiisa.
Wasiirku  waxa uu amar ku siiyay dhamaanba Madax Qaybeedyada Wasaarada inay dhex dhexaad iyo Cadaalad ku maamulaan shaqaalaha ay mas’uulka u yihiin isla markaana ay ku kala saaraan dadaalka ay la yimaadaan.
Gabo gabadii Kulankaasi waxay shaqaale tiro badani Wax ka weydiiyeen wasiirka tabashooyin ay tirsanayaan iyo sida ugu haboon ee ay u dadajin karaan loona sixi karo shaqooyinka ay ummada u hayaan.
Weriye Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>