Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Madaxweyne Siilaanyo Oo Kulan La Yeeshay Dallada ururada dhalinyarada Somaliland

$
0
0

Hargeysa (Somaliland.Org)-Madaxweynaha Somaliland, Mudane Axmed Maxamd Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta kulan qasriga Madaxtooyada kulan kula yeeshay Dallada ay ku bahoobeen  dhalinyarada Somaliland ee  SONYO.

Dallada dhalinyaradu waxay Madaxweynaha u gudbiyeen qoraal u dhignaa sidan: – “Mudane madaxweyne ugu horayn waxay guud ahaan xubnaha Dallada Dhallinyarada Somaliland ee SONYO ku soo dirayaan salaan kal iyo laab ah, iyaga oo kuugu ducaynaya inuu Ilaahay kugu garab-galo xilka qaran ee aad hayso, kuuna dhabeeyo ahdaaftaada siyaasadeed ee aad qarankan dhidibada ugu adkaynayso islamarkaana aad ku horseedayso horumarka dhaqan-dhaqaale oo balaadhan.
Mudane Madaxweyne, kulankan aad maanta nagu qaabishay xafiiskaaga anagoo kaaga mahadcelinayna waxaanu si xushmad qadarin iyo sharafba leh kaaga codsanaynaa laba qodob oo aanu isleenahay waxay laf dhabar u yihiin horukaca dhallinyarada iyo hirgelinta qorsheyaasha dhaw iyo fog ee lau taabo-gelinayo himilada da’yarta Somaliland.
1- taageeraa dhismaha dhulka SONYO ay ka dhisayso xarunta daraasaadka dhalinyaraa iyo xafiisyada  dallada SONYO, Mudane Madaxweyne waaanu codsan lahayn in 40% aad naga taageerto kharashka ku baxaya dhismaha dhulkaas ay xukuumadu na siisay.
2- Taageerada halganka dhalinyaraddu ku rabaan inay ka qayb-galaan doorashooyinka dawladaha Hoose iyadoo wax ka bedel lagu samaynayo xeerka doorashooyinka dawladaha Hoose Xeer Lam 20. Mudane Madaxweyne sidii ku cadayd qorshahaagii iyo barnaamijkaagii doorashada, dhalinyaradu waxay u taagan yihiin ka qayb-galka tallada iyo hoggaaminta qarankooda. sidaa daraadeed waxaa loo baahan yahay in la dhimo ama la yareeyo da’da lagaga qayb-galayo Goleyaasha dawladaha hoose.”
ugu dambayntii, Madaxweynaha waxay ku ammaaneen inuu fuliyay wax badan balanqaadyadii uu dhalinyarada u qaaday, xukunka dalkana ka qayb-geliyay oo ay iminka jagooyin badan ka hayaan.
Madaxweynuhu wuxuu u sheegay in gacanta lagu hayo xeerkaas, xeer number 20 hay’adaha sharci dejinta la horgayn doono.
Madaxweynuhu wuxuu tilmaamay dedaalka looga baahan yahay inay iyagu hirgeliyaan dhismahaasi, xukuumaduna diyaar u tahay inay ka kabto wixii ka qabyooba.
Weriye Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>