Bosaso (Caasimada Online)-Waxaa magaalada Boosaaso lagu xiray Nabaddoon C/qaadir Axmed Xarago oo ah afhayeenka odayaasha dhaqanka ee gobolka Bari.
Xariga Nabadoonka ayaa waxaa geystay Ciidamada maamulka kuwaa oo xiliga lagu guda jiray xiritaankiisa kula kacay jir dil.
Xariga Nabadoonka ayaa la sheegay inuu salka ku hayo booqasho uu ugu tagay 7 dhalinyaro oo dhawaan maamulka Puntland ay ku xukumeen dil Toogasho ah.
Sababta xariga Nabadoonka ayaa la sheegay inay tahay kadib markii uu baahiyay warar sheegaya in dhalinyaradaasi loo geysto jir dil, ka hor inta uusan dhicin xukunkooda dilka ah.
Maamulka ayaa si weyn uga carooday hadalka Nabaddoonka , islamarkaana ay xabsiga dhigeen.
Dhinaca kale, Xukunka dhalinyaradaasi todobada ah lagu riday ayaa waxaa kasoo horjeestay inta badan waxgaradka gobolka Bari oo sheegay in xukunka uusan aheyn mid Caddaalad ah.Caasimada OnlineXafiiska BosasoCaasimada@live.com
↧
Puntland oo Nabadoon caan ah u xirtay sabab yaab leh...
↧