Suufiyiinta inta badan ka taliya gobolada Dhexe ee Soomaaliya ayaa sheegay in koox hubeysan oo ka soo jeeda dhanka Ximan iyo Xeeb ay dhaceen raashin gargaar ah oo loo waday agoon ku sugan Galguduud.
Maamulka Ximan iyo Xeeb oo iyaguna ka jawaabay eedeynta Suufiyiinta ayaa eedeyntaas ku tilmaamay mid aan sal iyo raad toona laheyn oo la beenabuuray, maamulkooduna uusan wax shaqo ah ku laheyn kooxda raashinka dhacday.
Afhayeenka maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa waxaa uu sheegay in deegaanka raashinka lagu dhacay uusan maamulkooda hoostagin, dhacdada meeshaas kadhacdayna ay tahay mid u dhexeysa kooxo ka wadatirsan Ahlu Sunna Waljamaaca.
Khilaafka labada dhinac ayaa u muuqda mid faraha ka sii baxaya waxaana laga cabsi qabaa in uu colaad isu bedelo haddii aan xal degdeg ah laga gaarin murankooda.