Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

CILMI BAARIS: Cabista qaxwada (Kafeega) oo ka hortegi karta Niyad jabka Haweenka

$
0
0

Cabista ama durduurasha kafeega ayaa waxaa hadda la sheegayaa in ay wax ka tareysa cudurka niyad jabka ama murugada ee Dumarka.

BBC:da ayaa baahisay warbixin cilmi-baariseed oo ka soo baxday jaamacadda Harvard, warbixintaas oo sheegeysa in haweenka caba ugu  yaraan maalintii laba fiijaan ama koob oo Kafee ah uusan ku badneyn ama uu aad ugu yar yahay xanuunka Niyad Jabka marka la barbardhigo haweenka kale ee aan cabin kafeega.

Baarayaashu weli si rasmi ah uma oga sababta laakiin waxay tuhunsa yihiin in maadada Kafayiinka loo yaqaan ee bunka ku jirta ay saameyn ku yeelato kiimikada maskaxdka.

Baaritaano kale oo dheeraad ah in la sameeyo ayeey baarayaashu ku taliyeen si loo helo xog rasmi ah oo ku saabsan arrintan hadda ugubka ah, sidoo kale waxay sheegeen in ay degdeg tahay  ku talinta cabista Kafeega iyadoolooga hortegayo Niyad Jabka.

Isha warkan hoos ka gujiso.

http://www.fyiliving.com/mental-health/depression/coffee-drinking-linked-to-reduced-depression-in-women/


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>