Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Al Shabaab; "Wiilkan waxaan ka goyneynaa Gacanta iyo Lugta, maxaa yeelay wuxuu 2 Mobile iyo Bastoolad ka xaday al Shabaab"

Image may be NSFW.
Clik here to view.

Xoogagga al Shabaab ayaa maanta lug iyo gacan is-dhaaf ah ka jaray wiil lagu magacaabo Maxamed Xasan oo sida ay sheegeen al Shabaabku laba telefoonada gacanta ah iyo bastoolad ka xaday shaqsiyaad al Shabaab ka tirsan.

Maxamed Xasan ayaa waxaa maanta midi afeysan lug iyo gacan looga jaray fagaare ku yaal deegaanka Calamada ee ku yaal wadada xiriirisa Afgooye iyo Muqdisho, waxaana fagaarihii wiilkan lagu naafeynayay goob joog ka ahaa dadweyne fara badan iyo saraakiil al Shabaab ka tirsan.

Mid ka mid ah saraakiishii al Shabaabka ee halkaas ka hadlay ayaa sheegay in wiilkan uu xatooyo sameeyay sidaas darteedna ay lug iyo gacan ka goynayaan, cidii kale ee falkaas oo kale sameysana wuxuu ugu goodiyay ciqaab noocaas oo kale ah in ay la kulmi doonto.

Ma ahan markii ugu horeysay, lamana filayo in ay noqoto markii ugu dambeysay ee ay al Shabaabku dhalinyaro naafeeyaan, balse waxay horay u naafeeyeen dhalinayaro aan tira yareyn.

halgankanet@gmail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>