Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

WAR SAXAAFADEEDKA MADAXWEYNU QABTAY HURDA DAKHARTA MA DUULKII NASABABLOOD BAA WEHELIYEY? WQ. M Arrale

$
0
0

 
War saxaafaddedka uu xalay – habeen – badhkii Madaxweynaha JSL Mudane  A. M. M Siiraanyo ka soo saaray Madaxtooyaddu waa mid ay dadku aad wax iskaga waydiinayaan waxa ku kalifay in uu xiligaas saxaafadda iskugu yeedho, oo uu guryahooda ka soo toosiyo, tii oo ayna wadanka ka dhicin xaalad farxad lihi (shaacin Ictiraaf) ama dhiilo ( inqilaab ama weerar).
 
 Warsaxaafadeedkaa oo ka koobnaa dhawr qodob oo kala miisaan roona, qaarkoodna ay ku munaasib ahaayeen siduu uga hadla; sida jawaabta uu ka bixiyey deeqda aynu ku caawinay walalaheena tabaalaysan ee Soomaliya iyo difaacidda gooni isu taaga Somaliland iyo in aan lagu sii tiigaalin ardayda deeqda ka heshay Turkiga marinka ay mareen, xilligan.
 
Haddaba waxaa dadka u cuntami waayey , Maddaxweyne A. M.M Siiraanyo oo muddo ka badan 20 sannadood mucaariid hubaysan iyo mid Xisbi siyaasiyaba ahaa, lana ogyahay intii uu afkiisa maalay, dhinac wanaagsan xiligeeddii,iyo dhinac xajiin lehba xiliyaddan danbe,  ayaa habeenkii halay ahaa ay dhamaqday erayadda kaga imanaayaa maddaxda labadda xisbi mucaarid, markii uu kursiga ku fadhiistay oo uu u jiif iyo joogba seexay waayey, albaabaddana ku garaacay guryihii suxufiyiinta si uu karka iskaga rido.
 
 Weedhaha ka soo burqanaayey maddaxwaynaha ee weerarka xiiqsani ku jiray haley  kuna duraayey  seddexda muddane ( F. C. Waraabe. Mr Sulub iyo Waran- Cade) ee ka kala tiran labadda  xisbi (UCID iyo UDUB), waxay ahaayeen kuwo dhegaha dadka ku cusub oo aan war saxaafaddedyaddii hore ee hadhka- maalin- wayn madax weynu bixin  jiray aan looga baran waxaa iyo wax u dhaw toona. War sxaafaddedkan oo amintiisa ka sakow, ayka maqnayd eyey xulashadii aftahan nimo ama  odaynimo ee lagu yihiin Madaxweyna, laakin ahaa kuwo xambaarsan “Uf iyo Waan ku aqaan” iyo war adhi jireed. Waxaan u arkaa il-duuf iyo arin aan laga talin oo uu ku sibiibixday  xalay odaygu.
 
Waxaad kaloo  moodaa in uu madaxwynuhu istusay in uu war-saxaafadeedkiisa ku jiheeyo qurbajoogta  ku nool qaaraddaha durugsan oo uu doonaayey in ay ka daawadaan talafishanka qaranka, marka la eego xiliga laga soo dayey xalay.  Waxaa muhiim ah in ay fariinto ku horayso qolqoljoogta ay ka go'do samaha wadanku, waxa u sheega iyo muhiimadda koowaadna ay yeeshaan warqaadashadoodu. Haddaba intii soo martay  JSL Madaxweyne illaa 1991,  may dhicin xalay ka xor in maddaxweyne cid u jiif seejjiyo isna u hurdo seego in uu ka jawaabo dhaliillo aan sakaaro  ka biiqsan oo weligeedba mucaarid iyo muxaafid is dhaafsan jireen.
 
 Hadal iyo guntii,  dhaliisha madaxweynuhu malaha  xalayto ee waxaa iska cidii hawsha maamushay  iyo maamulka madaxtooyadda una badheedhay in uu maddaxweynu sidaa u hadlo  oo uu cid aan hurdin la hadlo xalay.
 
 
M Arrale
 
Arrale3@yahoo.com
——————————-
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>