Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Ku-simaha Ra’iisu Wasaaraha oo kormeer howled ku tegay Dekedda iyo Xerada barakacayaasha ee Rajo

$
0
0

Muqdisho, Khamiis, Sep. 29,2011——Kusimaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Ganacsiga iyoWarshaddaha Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif oo ay wehliyaan xubno isugu jira Wasiiro, Wasiir ku-xigeeno iyo Wasiiru dowleyaal ayaa maanta booqasho howleed ku tegay Dekedda weyn ee magaalada Muqdisho iyo Xerada barakacayaasha ee Rajo ee degaanka Jaziira.
Ku simaha Ra’iisul Wasaaraha ayaa u kuurgalay habsami u socodka howlaha Dekedda oo si caadi ah u soconayay isagoo R/wasaaruhu soo kormeeray qeybaha kala duwan ee dekedda ka warbixiyeen howlaha dekedda iyo balanqaad ay ka heleen dowladda Turkiga oo dooneysa inay dayactir xoogan ku sameyso qeybo ka tirsan dekedda gaar ahaana halka ay ku soo xirtaan maraakiibta oo ciriiri badan ka jiro.
Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaaraha iyo wefdigiisa ayaa booqday Xerada barakacayaasha ee Rajo halkaasoo ay ku jiran kumanaankun oo dadweyne ka soo barakacay gobolada dalka ee ay abaaruhu dhufteen, isagoo dadweynaha u kuurgalay noloshooda iyo qaabka ay hay’adda Bishacas ee Turkiga iyo Bisha cas ee Imaaraadka ay ka bixiyaan raashin karsan oo saddexda waqti ah.
Ra’iisu Wasaaraha ayaa ka jawaabay cabasho ay shacabka xeradaasi ka muuiyeen raashinyari wuxuuna u balanqaaday in hay’addaha ku shaqada leh ay si deg deg ah uga dalbanayaan in loo kordhiyo Raashinka laga kariyo xeradaasi si loo helo raashin wada gaara dadka.
“Sida aad indhihiina ku aragtaan waxaa halkan ka jira cunayari sababtoo ah waxaa halkan degan 4,00 oo qoysas ah oo soo barakacay oo caruur iyo haween u badan, mana awoodo Dowladda Federaalku inay dhanka raashinka ka caawiso, sababtoo ah waxaan daboolnay baahida degaanka iyo ammaankooda, balse caalamka waxaan ka cosaneynaa inay dhanka Raashinka ka si fiican uga taakuleeyaan” ayuu yiri Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif mar uu warbaahinta kula hadlay gudaha Xerada Rajo
 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>