Dhalliyaro Soomaaliya oo ku jira xabsi ku yaala magaalada Bambaasa ee dalka Kenya oo loo haysto mudda ka badan laba sannadood falal burcad baddeednimo ah ayaa dowladda Soomaaliya ka codsay in ay arrintooda wax ka qabato iyagoo sheegay in aysan wax lug ah ku laheen eedeymaha loo haysto.
Cabdi Welli Xasan Yuusuf o ka mid ah dhallinyarada ku jirta xabsiga magaalada Bambaasa ee dalka Kenya oo Radio Muqdisho waraysi siiyay ayaa sheegay in ay ka kooban yihiin illaa iyo 150 ruux oo dhammaatood ah sida uu sheegay kalluumesato Soomaaliyeed islamarkaana ay ciidamada Kenya ku hayaan xabsi ku yaalla magaalada Bombaasa in ka badan laba sannadood.
Cabdi Welli ayaa tilmaamay in ay xabsiga ku haysato dhibaato aad u xooggan , waxa uu xusay in siyaabbo kala duwan loo soo qabtay dhallinyarada xabsiga ku jirta oo uu tibaaxay in qaarkood ay dhaawacyo culus qabaan kuwaa oo ay u geysteen ciidamada dowladda Kenya.
Sidoo kale waxa uu beenniyay in ay wax lug ah ku leeyihiin burcad baddeedino isagoo xusay in ay yihiin dad Kalluumeysto ah oo an wax danbi ah ka galin dowladda Kenya.
Ugu danbeyntii Cabdi Welli Xasan Yuusuf ayaa ka codsay dowladda Soomaaliya in ay xaqiijso eedeymaha loo haysto islamarkaana ay dowladda Kenya kulla xibaabtanto dhibaatada loo geeystay muwaadiniinteeda Soomaaliyeed.
↧
Dhallinyaro Soomaaliyeed Oo Dowladda Ka Codsay In ay Kasii Deyso Xabsi Kenya Ku Yaalla
↧