Xaalad degenaansho ayaa laga soo sheegayaa degmada Dhoobley ee Gobolka Jubada Hoose, kadib dagaalo xoogan oo shalay ka dhacay halkaas.
Sida Wararku sheegayaan ciidamo fara badan oo ka tirsan Raaskambooni iyo kuwa ciidamada dowladda ayaa soo buuxiyay degmada, kuwaasoo gurmad ahaan u yimid.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ay wadaan guluf dagaal oo ay ku doonayaan inay duulaano kaga qaadaan deegaanada Jubooyinka.
Inkastoo ay wali adag tahay wararka ku aadan xaalada ciidan ee ku jirto Dhoobley ayaa hadana waxaa xuduuda Kenya la soo dhoobay ciidamo fara badan, iyadoo ay wehliyaan diyaarado dul heehaabaya.
Qasaaraha dagaalkii shalay ka dhacay aagaas ayaa ahaa mid aad u ballaarnaa, waxaana ku dhintay dagaalka ku dhowaad 15-ruux, halka afartan kale ku dhaawacmeen.
Saraakiil u hadashay Ururka Raaskambooni ayaa sheegtay in qasaare lixaad leh ay gaarsiiyeen Shabaab, kana dileen tiro askar, hase ahaatee waxaa ay sheegteen in ilaa shan askari oo uu ku jiro sarkaalkii hogaaminayay dagaalka kaga dhimatay.
Dadka deegaanka ayaa bilaabay qax, iyagoo ka cabsi qaba in dagaalo kale ka dhacaan, waxaana la dareemayaa dhaq dhaqaaqyo ciidan.
↧
Xaalada degmada Dhoobley oo saaka degan
↧