asc wr wb marka hore waxa mahad iska leh ILLAAHAY (SWT) marka xigta waxan u mahad celinayaa mareegaha ama websiteska somalida gaar ahaan kuwa galbeedka somaliland sida gabilay awdal iyo selel intaa dabadeed waxan qalinka u qaatay inaan is yara dul taago ama aan ka hadlo wixii fikirkayga ah hadalada kasoo baxay madaxwaynaha jamhuuriyada somaliland.
Waxa muhiima marka ugu horaysa inaan horta bal aan isla yara eegno waxay masuuliyadu tahay iyo micnaha aw leeyahay hogaamiyaha ama madaxwaynaha umad idil u haya hogaanka ee ay taladii dalka oo dhan u wakiisheen ee ay isaga u daba fadhiisanayaan aniga waxay ila tahay qofku markuu xil hayo nooca uu doono xilkaasi ha ahaadee ugu yaraan maamule iskuulna ha ahaadee hadalada dayl qaafka ah ama umada dhagahooga u ficnayn inuu iska ilaaliyo ayaa u haboon.
Markaa akhristayaal bal ila yara eega hadaladii madaxwaynaha
1.Umadu sanka ayay idinka qabsatay oo uf ayay idin tidhi
2.waadigii faysaloow la ogaa sidaa UFO u basaaasi jirtay
3.cali waran cade iyo ina sulub waxan ka cafinay xoolihii umada ee ay boobeen
4. hadaladaasi cidkaaga baqaysaa ama kaa aqbalaysaa ma jrto faysalaw
5.faysalow markii doorashadii aan kaa badinay ee aad ku dhacday ee aad tidhi hargaysa aniga ayaa leh waatii cidi ku dooran wayday
Hadaba akhristayaal aan is yara dul taagno qodobadaa mid walba wuxuu daaranyahay iyo sida aragtidayda ay iila muuqato
1. umadu sanka ayay( idinka qabsatay oo uf ayay idin tidhi) yaab! waligay ma arag inta aan soo noolahay hogaamiye ama nin masuul oo ku hadaaqay hadalka noocaasa ma,aha hadal nin masuula kasoo baxa hadalada noocaas oo kale dhalin yartu marka ay yar yar yihiin ee ay qaan gaadhaanyihiin ayay adeegsadaan ma aha hadal nin masuul milgihiisa siyaasadeed ah waa hadal laga yax yaxo ama laga yaayaqsoodo qofkii garasho dheer lihi waa dareemi karaa hadalkaasi sida uu u dhacay laakiin fahmi maayo dareemina maayo ninkii aan wax dareemayn iyo ninka ay hayso caadifad qabiil
2.waadigii faysalow la ogaa sidaad UFO u basaasi jirtay horta aan usoo noqono basaaasnimadee siiraanyo marka uu leeyahay waxbaad basaasi jirtay isaga dadkii uu layn jiray ee uu gacantiisa ku dili jiray maanta ma cid ayaa waydisa saw ma,aha kuwaa uu u taliyo ee uu maamulo madax wayne waad ogayd oo lagaaga sheekayn maayo gobolada galbeedka somaliland adiga dhagarqabayaashii aad hogaaminaysay inaad munsheekhda iyo dumarka ku layseen wali hadalkaas cid kaala hadashay ama ku waydiisay ma jirto adiga oo sidaa sameeyay ayaad waliba hadda ku hawlantahay sidii dhagarqabayaashaa taariikhdoodii madoobayd ee ay umada ka galeen aad ugu dari lahayd manhajka somalilandta taasina wax dhici kara ama lagaa dhagaysanayo ma aha markaa tiisaba daryeele ayaa tu kale ku dara ama midgaanta gudeheeda nuurta ayaa ku kalena nuurta markaa waxbuu basaasi jiray iyo hadalo aan bulshadan qancinayn ha la iman intii aad been soo sheegi karaysay waad soo sheegtay siilaanyo maantana umadu ma aha xoolo ama wax ma garato marba awrka lagu kicsado way iskakaa ogtahay waxad gasho iyo waxad gudo 5 sano iska dhamayso dabadeed iskaga dhaqaaq meesha .
3.cali waran cade iyo ina sulub waxan ka cafinay xoolihii umada ee ay boobeen horta marka ay maxkabada dhex ah ee xaqa iyo baadilka kala saaraysi ka jirto ayaa lagu dhawaaqaa hadalka madaxwayne waran kugu soo noqonaya lama tuuro waan ognahay garsoorihii qaranka inaad badashay oo aad ku badashay mid danaha xukuumadaada u adeegaya nagama qarsoono oo waan la soconaa marka aad leedahay wax ayaa la boobay waxa laga hadli karaa marka ay jirto maxkamad dhex ah oo umada u dhaxaysa laakin nasiib daro taasi ma ay dhicin mida kale dee umada waxa maxkamada badiyaa lasoo taagaa oo aan aduunka ka aragnaa marka dalka inqilaab ama kacdoon shacab lagu qabsado sida imika ka socota wadamada carabta marka kuma aad qabsan adigu inqilaab oo rijiim meeha kama aad kaxayn ee si karaamo iyo sharaf leh ayaa xilka laguugu dhiibay markaa inaad xishooto weeyi inaad tidhaahdaba ma ,aha wax baan maxkamad soo taagayaa oo sharci la tiigsanaya haddii sharci iyo maxkamad dhaba laga hadlo ilaa adiga ayay ku qabanaysaa madaxwayne markaa iska dhaaf hadaladan looma baahnee la joojiyaana banaan la jiifiyaana banaanta naga daa siciid sulub iyo cali waran cadena waa la ogaa halkii ay kaga suntanayaan xukuumadii sal balaadh
4.hadaladaa cid kaaga baqaysaa ama kaa aqbalaysaa ma jirto faysalaw bal u fiirsada akhristayaal lama arag madax wayne si dimuquraadiyad kursi ku helay ama ku hantay oo ku hadlaya hadalada noocaas ah hadaladaasi waa hadaladii (Dictators) ama kaligii taliyayaasha cid kaaga baqaysaa ma jirto waa xoog sheegasho cad ayaan odhan karaa anigu ama kursi ku faan umada loogu awood sheeganayo waa la ogaa markii madax waynihii karaamada lahaa ee DAAHIR RAYAALE KAAHIN dalkan maamulayay ee madax wayne siilaanyo mucaaradka ahaa hadaladuu ku hadli jiray xataa waakii odhan jiray hantidii umada ayuu dhacay oo uu awdal o u raray wax loo dul qaato maaha waa madaxwayne lagu tilmaamay inuu tuug yahay walibana hadalkaasi waa hadalka ugu fican ee siilaanyo afkisa kasoo bixi jiray intaa iyo in kasii daran ayuu odhan jiray maantana hadal ay mucaaridku yidhaahdeen oo waliba runta u dhaw sida ay aniga ila tahay ayuu ka xumaanayaa ama ka xanaqaya madax waynuhu horta mucaaridku hadduu dhaliishaada sheegi waayo dee demuquradiyada aan ku faanayno ayayna waxba ka jirin markaa madaxwayne lagaga aamusi maayo ee waa la sheegi xaqiqida jirta ama halka aw ka qaloocanyahay maamulkan aad gadh wadeenka ka tahay .
5.faysalaw waatii doorashadii lagaga adkaaday ee markii aad tidhi hargaysa aniga ayaa leh cidi ku dooran wayday fadlan akhristayal bal xasuustiina dib u yara celiya markii uu wariye cawke rayaale silanyo iyo faysal ka qaaday waraysiga hadaladoodii inii sii iftiimin maayo oo waad xasuusan kartaan laakinn waxa mudan in la xuso siilaanyo ninkii kali ahaa ee yidhi ayuu ahaa way jirtaa qabyaaladu oo waliba madax wayne ku xigaanka ayaa barbara soo maroo waxa uu lahaaa yaa cisse muuse aay hadalkaa u firsada xataa hadal kale oo u dheh is lahaa waa qoslay oo waa iska qabtay markaa madaxwayne inaad maantana faysal qabyaalad ayuu ka hadlay aad tidhaahdo adna marka aad doonto ku hadasho wax laga xumaado weeyi oo aan loo dul qaadan karin mise bahashu waxa ay sharaf iyo karaamo leedahay marka aad adigu ka hadlayso umada kale marka ay ka hadlaysana way xuntahay miyaa?midda kale madax wayne hadalka aad tidhi doorashadii ayaad ku dhacday oo anaga ayaa guulasanay waligeed ayaa la arki jiray mucaarad iyo muxaafid is badala adig laftaada ayuu daahir rayaale kaa guulaystay maalin qudha afkisa kama soo bixin waan gulaystay iyo hadalo nooc ka mida faanka adna adiga oo uu sanad imika uun kuu dhamaaday ayaad durba sidaa u hadlaysaa madax wayne madxu nafsida iska dhaaf faanku iyo is wanaajintu waxa ay yara haboontahay marka aad mucaaridka tahay ee ku faanayso marnaaminyada aad soo bandhigayso iyo marka ay dawladaadu wax fican qabato laakiin ma haboono inaad tidhaahdo waan kaa guulaystay iyo adiga ayaa dhacay iyo wax la mida waliba kaliya inaad hambalayayso weeyi .
TALLO SOO JEEDIN
madaxwayne siilaanyo waxan kugula talin lahaa marka ugu horaysa inaad (spokeman) ama afhayeenkaaga adeegsato ma haboono inaad wax walba ka hadasho adigu madax tooyada afhayeenkeegu inuu ka hadlo hadalada noocaas ah ayaa haboon oo uu ku hadlo waliba hadalo u fican dhagaha dadka bulshadana soo jidan kara adiga laftaada ka firso hadalada waran kugu soo noqonaya lama turo madaxwayne mida kale fadlan waxad hadashaa xilli saxaafadu soo jeedo imika shirkaagan jaraaid waxa kasoo qayb galay oo kaliya tv qaranka iyo somaliland.org taana ma ficno xataa saxafiga xoriyatul qawlkisa waxa ka mida in xuquuqdiisa la ilaaliyo wakhti munaasiba in loo yeedho inaad talooyinkaa qaadan doonto ayaan filayaa.
GABAGABADII IYO GUNAANADKII
Waxan kusoo gunaanadayaa maqaalkaygan dalka ha la isku wado mucaaradkana hadalkooda ha loo daayo sal fudaydkana ha la yareeyo dayl qaafkana ha la iska dhaafo dadkana ha la simo hana lagu dadaalo cadaalada dhalinta jaamacadaha kasoo baxaysana camal ha loo sameeyo xukuumadu dib ha isugu noqoto way jiraan daldaloolo badaniye ha la qariyo xukuumaduna sidii tii daahir rayaale dadka ha isku wado .
qoraalkayga cidii qalad u fahantaa raali galin ayaan ka siinayaa waayo nin qalin qaaday bulshada oo dhan inuu qanciyaa way yartahay .
Nooli kulantee
Wabillaahi tawfiiq.
Mohamed Mahamud Shirdon
Email:awdal04@hotmail.com
Country:Switzerland
↧
Madaxweyne Silaanyo oo uu qawlka iyo qalinku la taraaray
↧