Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Madaxweyne Shariif oo Booqday Khaar ka mid ah Xeryaha ay Daganyihiin dadka Barakayaasha ah

$
0
0

War-Saxaafaddeed:
Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaliya Mudane Shariif Sh. Axmed ayaa maanta kor’meer ku soo maray qaar ka mid ah xeryaha barakacayaasha ee magaalda Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa booqday goobahan ay barakacayaashu ku suganyihiin si uu ugu kuurgalo xaalada ay ku jiraan isagoo war’bixin ka dhageystay qaar ka mid ah dadka barakacayaasha ah.
Madaxweyne Shariif ayaa horaantii booqday baqaar ku yaala degmada xamar jajab oo cunto loogu qay’binayay dad badan oo barakacayaal ah. Madaxweynaha ayaa war’bixin ka helay shaqaalihii ka howl galayay goobta iyo qaar ka mid ah barakacayaasha si uu u xaqiijiyo in gar’gaarka bino’aadnimo uu gaaro dadka loogu talagalay.
Madaxweyanaha ayaa booqashadiisa ku soo gaba’gabeeyay xerada weyn ee Rajo, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen dadweyne aad u farabadan oo ka tirsan barakacayaasha xerada Rajo. Sidoo kale waxaa goobta Madaxweynaha ku soo dhaweeyay war’bixina siiyay Guddomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamed M. Tarzan, Gudoomiyaha Degmada Madiina Axmed Daaci iyo wakiilka ha’yada Turkish Red Crescent Kamal.
Kadib war’bixin uu ka helay madaxda xerada iyo ha’yadaha ka howl gala ayuu Madaxweynuhu dhex lugeeyay barakacayaasha si uu u ogaado habka gar’gaarka bino’aadnimo uu u socdo iyo baahida jirta wali. Ha’yada Turkish Red Crescent ee ka howl gasha xerada Rajo ayaa u soo bandhigtay Madaxweynaha mashruucyo ay ka mid tahay dhisme loogu talagalay in ay dhalinyaradu ku ciyaaraan iyo tababaro loo fidiyay shaqaale oo dhisay wado dheer oo uu Madaxweynahu ku lu geeyay.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles