02 Oct 2011- Kulamadii 7aad ee horyaalka ingiriiska ayaa asbuucaan la ciyaaray,waxaana wali hogaanka horyaalka ku loolamaaya hanaanka guushana isugu fanaaya kooxaha reer Manchester.
Kulankii ugu horeeyay ee asbuucaan ayaa dhex maray kooxaha Everton iyo Liverpool waxa uuna ahaa kulan aad u xamaasad badnaa, Liverpool ayaa dagaal wayn u agshay inay ka adgaato everton oo ay marti u ahayd,waxa uuna kulankaasi ku idlaaday 0-2 oo ay ku badisay Liverpool, waxaana goolasha u dhaliyay, Carrol iyo Suarez.
Waxaa sidoo kale ciyaaray kooxda Man City oo xili ciyaareedkaan loolan adag ugu jirta hanashada horyaalka oo marti u ahayd kooxda Blackburn.City ayaa goolal gaaraya ilaa 4uga adgaatay kooxdaasi.
Taas waxaa sii xigay guushii kooxda shayaatiinta cascas ay ka gaaren naadiga Norwich oo ay ku mareen 2-0.,natiijadaasi ayaa isku dhawaynaysa koxaha reer Manchester oo sanadkaan la la’yahay wax la loolama. Waxayna leeyihiin min 19dhibcood,
Tiiyoo ay usii dheertay Man Untd oo leh 19 gaol halka City ay iyana ledahay 18goal.
Waxa dhacay sidoo akle kulamo ka dirsan horyalka ingiriiska waxyna kooxuhu isu argeen sidan:
Aston villa ayaa 2-0 kaga adgaatay kooxda Wigan,Sunderland waxay Barbara 2-2 la dhaafiw aysay kooxda West Brom, halka kooxda Newcastle U.oo soo tiigsanaysa kaalmaha hore ee horyaalka ay iyana 2-1 uga adgaatay kooxda wolves oo ay marti u ahayd.
Maantana waxaa jira kulamo aad u adag waxaana ka mid ah Chelsea oo booqanaysa kooxda Bolton.Fulham oo la kulmaysa QPR ,Swansea oo iyana argaysa Stoke City. Iyo koxda Arsenal oo marti u noqonaysa garoonka white hart ee kooxda Tottenham.
Mohamud hassan idaajaa
Idaajaa4@gmail.com
Idaajaa_11@hotmail.com
↧
Natiijooyinka Kulamdii Horyaalka ingiriiska iyo kulamo adag oo maanta dhacaya.
↧