Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

DAILY TIMES: Dagaalka argagixisada waxaa ku horeeya madaxweyne Barack Obama

$
0
0

DAILY TIMES: Mareykan badan ayaa madaxweyne Obama ku eedeeya xanuunada haya bulshada sida ciriirga dhaqaalaha iyo dagaalada Ciraaq iyo Afghaanistan.

Haddii taasi run tahay iyo haddii ay been tahayba waa dood furan. Obama wuu dhaxlay labada dagaalba, sida dad badani qabaana musiibada dhaqaale ee Mareykanka ku dhuftay xitaa dhaxal ayuu u helay.

Obama Waa kabtan Markabka ee markasta ay mas'uuliyaddu dul saaran tahay. Marka laga hadlayo la tacaalida argagixisada sida dad qabaan Obama wuxuu u qalmaa heerka "A" (koobaad).

Jimcihii la soo dhaafay diyaaradah aan duuliyuhu wadin ee dhulka laga hago ayeey Mareykanku ku qaarajiyeen wadaadka Anwar Al-Awlaki gudaha Yemen. Sidoo kale waxaa weerarkaas lagu dilay bambaano sameeyihii Al Qaacida ee Yemen Ibrahim Al-Asiri.

Tan iyo wixii ka dambeysay  dilkii Osama Bin Laden ee bishii May, Mareykanku waxay dileen Todoba ka tirsanaa saraakiisha sarsare ee al Qaacida, kuwaas oo ka hawlgeli jiray Soomaaliya, Yaman iyo Pakistan. Awlaki ayaa sideed ku ah argagixiyayaasha la dilay mudada uu xukunka hayay Obama.

Madaxweynuhu wuxuu si muuqata u kala jiiday muruqyadiisa marka ay joogto arrintu tacaalida argagixisada haddii taasi wax ka tareyso in dib loo doortana waa su'aal jawaabteeda la heli doono Bisha Nofeembar ee sanadka 2012.

Laakiin inta badan Mareykanku waa in ay ku faraxsanaadaan habka uu Obama ula xafiiltamay argagixisada dhiigga-qaboow, kuwaas oo dhamaantood hal hadaf le, hadafkooduna waa baab'in Mareykanka iyo ciddii ay taageeraan Mareykanku.

Jambuuriyiintu waxay Obama ku ciqaabeen wax kasta, sida daryeelka caafimaadka, dagaalka Ciraaq iyo Afghaanistan iyo weliba dhaqaalaha. Dimuquraadiyiintu xitaa madaxweynaha waa ku canaanteen siyaasadiisa dhaqaalaha. (si aad u sii dhameysto faaladan halkan guji)

FG: Faalladan waxa ay xambaarsan tahay, xumaan iyo samaan waxaa iska leh qoraaga iyo DAILY TIMES.

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>