Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Shirkadaha Telecom, NationLink iyo Dahabshiil oo albaabada la isugu laabay

$
0
0

Waxaa maanta shaqo joojin lagu sameeyay Shirkadaha Isgaarsiinta Telcom, NationLink iyo shirkadda Xawaaladda Dahab Shiil ee ka howl gala gobollada Jubbooyinka, Bay, Bakool, Sh/hoose, Sh/dhexe iyo Hiiraan.
 
Shirkadahaas ayaa waxaa shaqadii ay bulshada u hayeen xayiraad ku soo rogay xarkada Al-shabaab oo amar ku bixisay in la xiro shirkadahaas.
 
Wararku waxa ay sheegayaan in shirkadahaas laga doonayo dhaqaalo fara badan,  wuxuuna mas’uul u hadlay mid ka mid ah shirkadahaas uu sheegay in lacagta la weydiistay ay tahay mid aad u fara badan oo aysan awoodi Karin bixinteeda.
 
“Waxay noo sheegeen in ay naga doonayaan lacago laakiin intii aynaan ka jawaabin dalabkoodaas diidmo iyo yeelis ayay naga joojiyeen shaqada, sidoo kalena waxay na weydiiteen dhaqaalaha na soo gala sanadkii inta uu gaarsiisan yahay” sidaas waxaa yiri mas’uul ka ka tirsan shirkadaha maanta ay kooxda Al-shabaab shaqada ka joojiyeen.
 
Dadwaynaha ku nool goballadaas ayaa maanta waxa ay waayeen qadadkii taleefannada shirkadahaas labada ah iyadoo la fasaxay shirkadda Hormuud oo ah shirkadda saddexaad ee Soomaaliya kaga howlgasha dhinaca isgaarsiinta, sidoo kale waxaa la hakiyay howlihii Shirkadda xawaaladda Dahab Shiil oo ka mid ah shirkadaha xawaaladaha kuwaasoo joojiyay bixinta iyo qabashada lacagaha dadweynaha goboladaas.
 
Ma aha markii ugu horreysay oo shirkado isgaarsiineed iyo kuwo xawilaad oo ka howl gala gudaha dalka Soomaaliya xayiraad noocan oo kale lagu soo rogo, dhawaan ayay ahayd markii ururka Ahlusunna Waljaama oo ka mid ah ururada siyaasadda dalka wax kaga loolama ay degaanno ka mid ah gobollada dhexe shirkado isgaarsiineed shaqo joojin socotay in muddo ah ku soo rogeen, kadib markii ay ka dalbadeen dhaqaalo, iyadoo shirkadahaasina ay sheegeen inaysan awoodin bixinta lacagahaas oo ah kuwo aad u fara badan.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>