Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta kormeer ku tagay xarunta kulliyadii Jaalle Siyaad isagoo halkaasi kula kulmay saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda KMG iyo kuwa AMISOM.
Madaxweyne Shariif ayaa salaan sharaf halkaasi kaga qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, wuxuuna kulan la qaatay saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ku sugan halkaasi.
Madaxweynaha ayaa sheegay in la ballaarin doono tabarta iyo tayada ciidamada si ciidamadu ay gutaan waajibaadkooda ku aadan difaaca dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Dhanka kale Wasiir ku-xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka C/xakiin Cige Guuleed, Taliyaha ciidanka Booliiska Shariif Sheekhunaa Maye, Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada dowladda KMG Col. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) iyo Agaasimaha hay’adda nabadsugidda dowladda KMG Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta booqday Suuqa Bakaaraha iyagoo sheegay in dib loo furayo suuqa.
Ganacsatada suuqaas ayay ugu baaqeen inay maalinta Khamiista ah ee soo socota isugu yimaadaan suuqa, isla markaana ay furan goobahooda ganacsi si baaris loogu sameeyo xarumahooda ganacsi.
Wasiir ku-xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka C/xakiin Cige Guuleed oo goobta ka hadlay ayaa sheegay inay ugu baaqayaan guud ahaan ganacsatadii suuqa Bakaaraha inay maalinta Khamiista ah yimaadaan si loo baaro xaurmahooda ganacsi, isagoo sheegay in qorshahan uu qayb ka yahay mid dib loogu furayo suuqa Bakaaraha isla markaana ammaanka suuqa lagu sugayo.
Taliyaha ciidanka booliiska dowladda KMG ah Shariikh Sheekhunaa oo isaguna gudaha suuqa kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay doonayaan inay goobaha ganacsi ka baaraan walxaha qarxa, isagoo sheegay in tani ay tahay mas’uuliyad iyaga ka saaray adkeynta ammaanka guud ee Suuqa.
Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada dowladda KMG Col. Muungaab oo isaguna ka hadlay goobta ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay sugaan ammanka goobaha ganacsi iyo ganacsatada ayna ciqaab adag marinayaan ciddii lagu arko iyadoo amnidarro ka samaynaysa suuqa, wuxuuna ugu baaqay askarta dowladda KMG Soomaaliya ee ka howlgala suuqa Bakaaraha inay amniga ka shaqeeyaan.
↧
Madaxweyne Shariif oo Kormeeray Xarunta Ciidamada Kulliyadii Jaalle Siyaad iyo xubno ka tirsan dowladda oo suuqa Bakaaraha booqday
↧