Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan ka yeeshay heshiis dhinaca baddaha oo la sheegay inuu dhexmaray dowladda Somalia iyo Kenya.
Wasiirka Kaluumaysiga iyo khayraadka badda ee DKKMG C/raxmaan Sheekh Ibraahim ayaa barlamaanka hortiisa ka sheegay inaanu ka warqabin heshiiskaasi.
Wasiirku wuxuuk kaloo u sheegay in kulan ka dhacay jaziiradda Scyelles aan looga hadlin heshiiska baddaha Somaaliya balse kaliya looga doodday dhibaatada burcad-badeedda Soomaaliya.
Kulanka baarlamaanka waxaa ka loo ka hadlay xildhibaan C/raxmaan C/shakuur Warsame oo isagu dowladda Soomaaliya u saxiixay heshiiska, wuxuuna baarlamaanka u sheegay in dowladii Cumar C/rashiid ay ku amartay inuu heshiiska saxiixo.
Dhageyso warbixinta kulanka baarlamaanku ku yeeshay Muqdisho.
↧
Baarlamaanka oo ka Dooday Heshiiska xadka badda
↧