Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Shir Madaxtooyada Villa Somalia ku yeesheen Madaxda dowladda KMG iyo Saraakiisha AMISOM oo fashil ku dhammaaday.

$
0
0

Shir albaabada u xirnaa isla markaana Saxaafada loo diiday inay warar
ka hesho ayaa wararka laga helayo Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia
waxay sheegayaan inay yeesheen Madaxda dowladda KMG, Saraakiisha
Ciidamada AMISOM, Saraakiisha Ciidamada dowladda KMG waxa uu ku
dhammaaday Natiijo la’aan markii dhinacyadaasi qodobadii ay ka wada
hadlayeen isla fahmi waayeen.

Shiarkaasi oo looga hadlayay sida wax looga qaban karo dagaaalada ka
socda Muqdisho ee lagula jiro Dowladda KMG, Xoogaga hubaysan ee ku soo
siqaya Madaxtooyada villa Somalia iyo Madafiicda Ciidamada AMISOM ku
tuuraan Suuqa Bakaaraha iyo xaafadaha shacabka dagan yihiin, waxayna
Madaxda dowladda KMG ka dalabadeen Ciidamada AMISOM in la yareeyo
Madaafiicda si ay u yaraato qasaaraha shacabka.

Madaxda dowladda KMG ayaa u sheegay Ciidamada AMISOM inay sii lumayso
taageerada shacabka haddii ay sidan ku sii socdaan duqeymaha ka dhaca
Caasimada Magaalada Muqdisho, hase yeeshee Saraakiisha Ciidamada AMISOM
ee ka qeyb galay shirkaasi waxay ku adkeysteen inay duqeynayaan meel
kasta oo madaafiic looga soo tuura.

Saraakiisha Ciidamada AMISOM waxay sheegeen Madaafiicda ugu badan
xarumahooda lagu soo weeraro laga soo tuuro suuqa bakaaraha, ayna
bixinayaan jawaabo haddii madaafiic lagu soo tuuro xitaa haddii
deegaanada loo barakacay dhankooda madaafiic laga soo tuuro jawaab ka
bixinayaan.

Saraakiisha Ciidamada AMISOM waxaa kale oo ay sheegeen inaysan shacab
leyn degmooyinka Gobolka Banaadir qeybaha ay kaga sugan yihiin
Mucaaradka dadka intiisa badan ka barakaceen, waxayna ku hanjabeen
inaysan ka aamusayn haddii Baalooto AK 47 lagu soo tuuro ka bixinayaan
jawaab.

Madaxda dowladda KMG iyo Saraakiisha Ciidamada AMISOM kullankii ay
yeesheen waxa uu ku dhammaaday natiijo la’aan, waxaana xiligaasi kadib
shir gaar ah yeeshay madaxda dowladda KMG ee Soomaaliya, lamana oga
natiijada ka soo baxday kullankaasi danbe ay qaateen Madaxda dowladda
KMG ee Soomaaliya.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>