Mid ka mid ah wakaaladaha wararka Ethiopia ooo la yidhaahdo Nazrat ayaa maanta waxay daabacday in ka dib markii Wasiirkii hore ee Arrimaha gudaha Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Gaboose uu ka dhego-adaygay codsi uga yimid Xukuumadda Addis Ababa oo ku saabsana in loo soo gacan geliyo shan boqol oo qof oo ku eedaysna falal siyaasadeed oo ay doonaysay Xukuumadda Ethiopia oo ku sugna Somaliland in taasi ay keentay in Wasiirka hadda xilka Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland loo dhiibay Maxamed Nuur Caraale Duur uu saxeexay in dadkaasi loo gacan geliyo Maamulka Ethiopia.
Wakaaladda wararka ee Nazret waxay shaacisay in tiro badan oo ka mid ah dadkaasi gacanta loo soo geliyey Dawladda Ethiopia ay yahiin siyaasiyiin iyo saraakiil ka tirsan Ururka (Oromo Liberation Front) oo ah urur dagaal hubaysan kula jira dawladda Ethiopia, arrintani ayaa waxay ka danbaysay markii ayey wakaaladda Nazret tidhi Markii ay Somaliland ku dhawaaqday inay dalkeeda ka saarayso kumanaan qof oo Oromo ah oo ku sugna Somaliland.
Sii akhri luqda engilsh :-
Security cooperation in good shape with Siilanyo.
Source: Indian Ocean Newsletter
After being a little strained under Somaliland’s previous home affairs minister, security cooperation between Hargeisa and Addis Ababa is now in going strong.
The very same day Somaliland’s new Minister for Home Affairs Mohamed Nour Arale known as Duur (ION 1316) took up his functions on 1 September in Hargeisa, replacing Mohamed Abdi Gabose, President Ahmed Mohamed Mahamoud known as Silanyo received a letter from the Ethiopian government. Addis Ababa wanted 500 Ethiopians who had fled to Somaliland for political reasons to be expelled and sent back to their country. A significant number of them are Oromowhom the Ethiopian authorities accuse by name of being linked to the Oromo Liberation Front (OLF) or other opposition organisations.
Gabose had previously resisted certain Ethiopian security requirements (ION 1315), but President Silanyo and the new home affairs minister did not have the same scruples. On 4 September, the Deputy Home Affairs Minister Osman Garad Sofe announced in Hargeisa that Somaliland would expel within a month all illegal immigrants to their country of origin. At the same time Mohamed Nour Arale ordered his police service, together with intelligence officers, to round up the Ethiopian exiles Addis Ababa wanted. Around 300 of are believed to have already been captured and are awaiting deportation.
Cabdiraxmaan Dhoore
dhore77@hotmail.com
↧
Xukuumada Somaliland Oo La Sheegay Inay Ku Wareejisay Ethiopia Tiro Oromo Ah Oo Siyaasiyiin Iyo Saraakiil Isugu Jira
↧