Garowe (RBC) Afhayeenka maamulka Puntland Axmed Libaax Joore oo saxaafadda gudaha u waramay ayaa shaaca ka qaaday arin beryahan soo baxaysay oo la xiriirta in maamulka C/raxmaan Faroole uu codsaday in 2,000 askari oo ka socda hawlgalka Amisom la keeno deegaanada Puntland ka dib markii dawladda Puntland wax ka qaban weysay xaalada amni.
Waxaa tan iyo Khamiistii ina dhaaftay magaalada Garowe ku sugan wafdi saraakiil ciidan ah oo gaaraya 10 xubnood kuwaa oo isugu jira saraakiil Uganda iyo Burundi ah iyo saraakiil ka socota DKMG Soomaaliya. Wafdigaasi oo si qarsoodi ah ku yimid Garowe ayaa waxay wadahadalo aan la ogeyn waxa ka soo baxay waxay la yeesheen madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole iyo saraakiisha amniga.
Afhayeenka Puntland oo markii ugu horeysay saxaafadda gudaha u waramay ayaa xaqiijiyey in ujeedada socdaalka wafdiga Amisom ee jooga Garowe ay tahay in ay indhadheeyaan xaalada amniga Puntland ka dibna ay u googol xaaraan ciidamo gaaraya 2,000 askari oo ka socda Uganda iyo Burundi oo la keenayo deegaanada Puntland. Inkastoo afhayeenka uusan sheegin in meel gaar ah la geynayo iyo inay amaanka madaxtooyada Garowe sugi doonaan.
Afhayeen Joore wuxuu kaloo warbaahinta u sheegay in sidoo kale socdaalka saraakiisha uu ku jiro in Puntland loo qaado askar loogu soo tababari doono Uganda kuwaa oo ah deeqaha DKMG ka hesho dibadda ee ay qeyb ahaan u siisay Puntland.
Maalintii shalay ayaa saraakiisha Uganda iyo Burundi ee ku sugan Garowe, waxaa iyagoo amnigooda aad loo adkeeyey booqasho ku tageen xeryada ciidamada Puntland ee 54-aad iyo saldhigyada ciidamada booliska oo ay indhadheyn ku mareen.
Hadalka afhayeenka Puntland ayaa soo baxay iyadoo madaxtooyada Puntland dhowaan ka codsatay Amisom in ciidamo ay u keento si ay amniga ugu sugaan ka dib markii dawlada Puntland ay wax ka qaban weysay amni xumada daashatay magaalooyinka taasoo Amisom weli wax jawaab ah ka bixin.
RBC Radio
↧
Afhayeenka Xukuumadda Puntland Oo Shaaca ka Qaaday In Ciidamo ka Tirsan Amisom La Keenayo Puntland
↧