Karkaar (RBC):- Ugu yaraan toddobo qof ayaa ku dhintay sagaalkana waa ay ku dhaawacmeen ka dagaalo dib uga qarxay tuulooyinka Xumbays iyo Uurjire oo hoos taga deeganka Rako.
Dagaalka ayaa waxa uu dhaxeeya labo meeleeshiyo beeleedyo oo isla dagan Rako kuwaas oo isku heesta dhul daaqsiimeed iyo ceel biyood.
Gudoomiyaha degmada Rako ee gobolka Karkaar Faarax Maxamuud oo ku sugan meel ku dhow halka lagu dagaalamay ayaa waxa uu sheegay in markasta la fili karo dagaalada maadama labada dhinac ay is hor fadhiyaan.
Waxa uu sheegay Guddoomiye Faarax Maxamuud in dadkii dhaawacmay la geeyay isbitaalada ku yaala gobalka Karkaar.
Labada dhinac ayaa todobaadkii hore dagaalo qasaare geestay uu ku dhexmaray isla tuulada Rako ee gobalka Karkaar.
Dagaalada ku saleesan dhul daaqsimeedka iyo Ceel biyoodyada inta badan caan ka yihiin deeganada ay dagaan Soomaalida.
Illa hadda xukuumda Puntland kama hadlin dagaalkan oo ah kii labaad ee
ka dhaca deegaankasi mudo labo toddobaad gudahood ah.
RBC. Radio
↧
Dagaal U Dhexeeyo Maaleeshiyo Oo Dib Uga Soo Cusboonaaday Deegaanka Rako Ee Gobolka Karkaar
↧