Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Hey’ad Samafal Oo Cunta Karin U Bilowday Barakacyaasha Degmada Yaaqshiid”SAWIRRO”

$
0
0

Maamulka degmada Yaaqshiid ayaa ka warbixiyay kushiin barakacayaasha cunto loogu kariyo  oo hey’ad samafal oo Masari ah ay ka furtay degmada Yaaqshiid.
Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid ayaa maanta booqday kushiin hey’ad samafal oo ka socota dalka Masar ay ka furtay xeryo barakac oo ku yaala inta u dhaxeysa isgooysyada Towfiiq iyo Baar Ayaan ee degmadaasi, kaas oo maalintiiba laga quudiyo ilaa 1500 oo qoysas ah, waxaana maalin kasta halkaasi lagu qalaa xoolo isugu jira Lo’ iyo Ari, iyadoo raashinkarintaasina ay socoto maalintii Afaraad sida uu warbaahinta qaranka u sheegay mid ka mid ah mas’uuliyiinta hey’addaasi oo lagu magacaabo Axmed Almaqribi oo ku sugnaa goobta ay hey’addu ka waddo cunta karinta.
Muxudiin Xasan Jurus “Saabeey”guddoomiyaha degmada Yaaqshiid oo warbaahinta qaranka kula hadlay halkaasi ayaa ku amaanay hey’adaasi  gargaarka cunta karinta ah ee ay u fidisay barakacayaasha ku nool degmada Yaaqshiid, waxa uuna intaa ku daray in hey’addani ay tahay tii ugu horreeysay ee ka howgasha degmada Yaaqshiid.
Dhanka kale guddoomiyaha degmada Yaaqshiid ayaa kormeeray goobo ka mid ah Degmada Yaaqshiid oo ay ka socdeen olole nadaafadeed oo qeyb ka ah todobaadka nadaafada ee uu ku baaqay Madaxweyne Sheekh Shhariif Sh. Axmed, wuxuuna guddoomiyihu ku booriyay xoogaggii ka qeyb qaadanayay ololahaasi nadaafadeed in ay dardar geliyaan howsha nadaafadda ee ka socota waaxyaha kala duwan ee ay ka koobantahay degmadaasi.
Ololahan ka sida xowliga ah uga socda degmada Yaaqshiid ayaa qeyb ka ah olole ballaaran oo ka socda degmooyinka uu ka koobanyahay G/Banaadir kaas oo qeyb ka ah todobaadka nadaafadda ee ku baaqay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed.









 


 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>