Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Dowlada Hoose Ee Xamar Oo Olole Nadaafadeed Ka Bilowday Suuqa Bakaaraha

$
0
0

Maamulka G/Banaadir ayaa olole nadaafadeen ka bilaabay suuqa bakaaraha kaas oo dib loogu soo celinayo bilicdii suuqaasi.
Howlahan nadaafadeed ee ka bilowday suuqa weyn ee bakaaraha ayaa waxaa loogu talagalay dib u soo celinta nadaafadda wadooyinka suuqa bakaaraha iyo bilicda suuqa iyadoo uu abaabulay maamulka gobolka banaadir.
Agaasimaha dowlada hoose ee Xamar Cabdulaahi Xasan Cartan Jimcaale oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in mudooyinkanba ay soo wadeen olalaha loogu talagalay nadaafada waxa uuna tilmaamay in looga baahanyahay shacabka Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan howlahaasi.
Sidoo kale agaasimaha ayaa ka digay in lagu dhex ganacsado wadooyinka isagoo sheegay in ay ka digtoonaadaan shaqsiyaadka falalka noocaasi oo kale ku kacaya.
Xoghayaha maamulka gobolka banaadir Cabdi kaafi Hilowle Cismaan oo isna halkaasi kula hadlay saxaafadda ayaa sheegay in goor dhow uu maamulka gobolka banaadir uu bilaabidoono diiwaan galinta dhamaan goobaha ganacsiga isagoo intaa raaciyay in intii uu maamulka gobalka uu joogay aan la qaadin wax canshuur ah.
Cabdi kaafi ayaa xusay in marka hore shacabka ay dareen siinayaan in ay u adeegayaan kadibna dib loo bilaabidoono qidmooyinkii canshuuraha.
Maamulka gobolka banaadir ayaa muddo labo sano ah aan qaadin wax canshuur ah iyadoo maamulku uu ku dadaalayay sidii loo soo celin lahaa Adeegyadii bulshada kadibna la hirgaliyo qaadista lacagaha canshuuraha taasi oo la doonayo in wax loogu qabto shacabka Soomaaliyeed.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>