Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

EREYNA LA KALA ODHAN OG ALLENA LA KALA BARYI OG

$
0
0

 
Waxan jecelahay inaan in yar ka idhaahdo hadalladii jawaabaha ahaa ee ay isu celiyeen madaxwaynaha Md siilaanyo iyo xisbiga UDUB siiba wasiirkii hore ee hawlaha guud Md Siciid Sulub angoo runtii aan aragtidayda ku salaynayn habka caadifadda ama reernimad ee aynu markiiba u mudhuxsanno ee ah hebel waa is xigtaane taageer ama hebel kala beel baa tihiine ku xumee, ee ku salaynaya fikraddaya labada oday, hadalladoodi bal sidaan u arkay
Haddaan ku horreeyo 
MADAXWAYNAHA
hadalkii madaxwaynaha waxu noqday mid woxooga dhega-taag iyo didmo ah geliya bulshada reer somaliland wuxuna keenay su'aalo badan iyo dadka qaarkood inayba doca badan ka eegeen, marka la eego xilliga cawo daranta ah ee madaxwaynuhu hadlay iyo cadhada ka muuqatay iyadoo aad moodaysay inay madaxwaynaha markaa uu hadlayey ay u muuqdeen sawirka  cidda uu la hadlayey oo keliya balse ay ka daahnayd bulshada oo iyagu ah masrixiyadda ama maxkamadda u garnaqaysa siyaasiinta markay sidan u wada hadlayaan.
waxa kaloo madaxwaynaha ka dahsoomay cadawga somaliland oo uu ku jiro shariifka uu u jawaabayey oo hadalka madaxwaynaha u qaadan kara midaan waxbaba sii ahayn ama kalaamu layl.
SICIID SULUB
Haddaba waxa hadal kaa ka duwan kaga jawaabay Md Siciid Sulub, iyadoo ay hadalka siciid sulub  ku jireen Dhalliilo, garnaqsi, hanjabaado, isdifaac, wax qirid iyo qaybo kaloo badani hadana wuxu ahaa hadal aad iyo aad (much better) uga hufan oo aad moodaysay in turxaanta iyo deelqaafka laga guray haddana toos u abbaaraya meeshu uu ku waday, waxa kaloo hadalka siciid sulub ka muuqday waayeelnimo iyo degganaan badan  waayo somalidu horay u tidhi kulaylka iyo qabawgu isku meel bay tagaan, waxa intaa u dheeraa amminta oo ahay barqo gibin ay nafluhu dad iyo duunyaba soo foofeen iyo goobta oo ahayd xafiiskii loo saantay in loogu yeedho warfidiyeennada markaad u dhiibayso hadalkii quruskoodu galay.
Haddaba siyaasaddu waa (game) ama ciyaar ka dhex socota siyaasiyiinta waxana libintu raacdaa hadba kii shacabku aad ugu sacabbiyaa, innagu marna kama gar qaadi karno waxyaabaha laysu sheeganayo ama laysku eedaynayo oo dhan iyadoo waxyaabahaa qaarkood yihiinba wax sharciya ama distoori ah oo u baahan  maxkamad ama golaha sharci dejinta oo kala saara, wayna iska cadahay in nin kasta oo siyaasi ahi ka hadlo wixii danihiisa ah ama sumcaddiisa siyaasadeed kobcinaya iskana difaaco wixii eedaymo ah ee loo soo jeediyo  mana odhan karno kaasa run sheegay ama kana been sheegaya. waxaynuse qiimayn ku samayn karraa habka ay masraxyada wax uga soo gudbiyaan oo ay ku kasban karaan taageerada shacabka ee mustaqbalkiisa siyaasadeed naanaysaha dadku ugu yeedhaanna halkaasuu siyaasigu ka qaataa.
Waxan ku soo gababaynayaa somalidu waxay tidhaa EREYNA LA KALA ODHAN OG, ALLENA LA KALA BARYI OGE allayle magan alla'e quruxdii hadalku siciid sulubbay raacday doorkan maanta ah garise waa dambaysaa meelay ku ciiri allaa og
Wabillahi tawfiiq 
SULEIMAN YASIN 
Sheffield UK
————————————————————
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>