Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

YAA XAQ U LEH IN UU UMMAD XUKUMO.

$
0
0

Inta aanan ka hadlin cidda xaqa u leh in ay ummad xukunto waxaan
doonayaa in aan sheeko yar idiin soo gudbiyo. Waxaa jiray nin ka mid
ahaa falaasafaddii Giriigga magaciisa la odhan jiray BALAATU. Wuxuu
Balaatu qoray boog caan ah oo magaciisu yahay The Republic. Dadka
lagu sheego aqoon yahaynka ruux aan akhiriyini waa uu yar yahay.
Markaas ayaa saaxibaday ka sheekayn jireen oo dhihi jireen ma akhriday
buugga Balaatu ee magaciisu yahay The republic, waxaan ugu jawaabi
jiray maya, markaas ayay ii arki jireen nin aan lahayn aragti siyaasadeed
oo aan waxba kala ogayn. Maalinkii dambe aniga oo ku jira kaydka
buugaagta ee Hounslow London ayaa waxaa isha ku dhuftay buuggii the
republic. Markaas ayaan soo qaaday oo kala furay waxaa igu soo baxay
bog ay ku dhignayd su’aal uu is weydiinayo qoraha buuggu oo lee yahay
yaa xa u leh in uu wax xukumo? Wuxuu ku jawaabay Madaxweynaha ha
ahaado digtaatoor ama mid si dimoqaraadi ah loo soo doortay ama
awtoritaariyan (authoritarian) ayaa xaq u leh in uu xukumo. Markii aan
fikirkii faylasuufkaas aan arkay waxaan dhahay “been run u eg ayuu
sheegay”. Waayo waxaa wuxuu ahaa gaal aan Alle rumaysanayn wax
aqoon ahna u lahayn. Waxaanse anigu gartay in marba haddii uu
adduunka Alle abuuray uu isagu xukunka adduunka xaq u lee yahay.
Waxaa la wada og yahay in abuurku ka kooban yahay waxyaabo kala
noole iyo ma-noole wax kasta oo uu yahay. Ma jiro wax ka mid ah abuurka
oo aan lahayn nidaam iyo dhaqan u gaar ah, taas oo ah sharci uu ku
socdo. Matal xiddiguhu waxay lee yihiin dad kulayl dhaaf ah hase yeeshee
meerayaasha oo markii dhulka looga jeedo u eg xiddigo ma laha dab
laakiin iftiinka qorraxda ayay cawar ahaan noogu soo celiyaan markaas
ayaynu u aragna sida dayaxa iyaga oo dhalaalayo oo xidigo la moodo.
Gaaska ogsijiintu waxay caawisaa dabka haddii uusan ogsijiin jiri lahaynna
adduunka dab lagama shiteen, isla mar ahaantaasna waa gaaska la
neefsado oo la’aanteed lama noolaan karo. Si dhirtu ku baxdo wuxuu
Alle u yeelay xididdo dhulkana 75% ayaa biyo ah, qorraxduna tamar ayay
siisaa, markaas ayay dhirtu baxdaa. Haddii aanay biyo, tamar iyo hawo
isku heli lahayn dhirto ma baxdeen. Waxaan uga jeedaa wax waliba si
ayuu Alle ugu talo galay marka haddii sidaas la waayo wax waliba waa
xumaanayaan.
Qiyaamuhuna walaalayaal wax kale ma aha ee waxaa istaagaya qadderka
iyo qadaaga. Wuxuu Alle aayadda 49aad ee suuradda Ibraahiim noogu
caddaynaya in maalinka qiyaamaha ay dhulka iyo cirarku noqonayaan wax
aan dhul iyo cirar toona ahayn. Taas oo macnaheedu yahay in wixii abuur
ahaan ku dhex jiraa uu wax waliba noqonayo waxa ay hadda yihiin wax ka
duwan oo aan wixii ay ahaayeen ahayn.
Cirku cirkii la yiqiin ma aha, geedkuna geedkii la yiqiin ma noqonayo,
biyuhu biyihii ma aha, dadku hdadkii ma aha, buuruhu buurihii la yiqiin ma
aha, wax waliba wixii ay ahaayeen ma aha, hase yeeshee sida ay wax
noqonayaan cid garan kartaa ma jirto waayo maraglayda (qaybka) cid
malayn kartaa ma jirto.
Waxaad kale oo walaalayaal la wada ogsoon yahay in dadku ka mid
yahay inta Alle garashada iyo garaadka siiyey. Caqliguna walaalayaal
sharci la’aan ma noqon karo sidaasna Alle ayaa u gartay. Marka waad
garan kartaan in Alle inta uu caaqil abuuray kana dhigay mid fekeraya
oo qorshe dejinaya in uusan sharci iyo nidaam siinin, sida uu wax kasta
ugu sameeyey nidaabka ee ka muuqata aayadda kor ku xusan ayuu
dadkana ugu sameeyey nimaad iyo sharci ay ku dhaqmaan, wuxuuna noo
soo diray rusul na soo gaadhsiisa sharciga uu Alle doonayo in aynu ku
dhaqanno markaas ayaynu diiddan nahay. Wuxuuna Alle sidaas noogu
sheeayaa aayado faro badan oo ka mida Quraanka oo ay ka mid tahay
aayadda 213aad Al-Baqarah oo iyada oo kooban sheegaysa in uu Alle
dadka oo isku mid ah uu u soo diray rusul u wadda kitaab runta sugaya
si ay ugu kala xukumaan dadka. Aayadda 23aad Aala Cimraan iyana
waxay noo sheegaysaa in ay jiraan kuwa qaar ka mid ah kitaabka loo
keenay lana faray in ay isku xukumaan oo qaarkood diidayo. Sidoo kale
aayadda 48aad An-Nuur waxay noo sheegaysaa in ay jiraan kuwo haddii
loogu yeedho in Alle iyo rasuulkiisu ay ka qaataan sharcigii ay ku kala bixi
lahaayeen uu qaar ka mid ahi diidayo. Waxay ahayd in haddii mu’miniinta
loogu yeedho inay isku xukumaan sharciga Alle in ay dhahaan waa tahay
mooyee hadal kale uma furna.
Wixii aan caaqilka ahayn sida xoolaha iyo ma noolayaasha in Alle xukumay
nidaamna u sameeyey la iskuma haysto ee waxa ay dhibtu ka taagan
tahay waa caqlileyda dadka iyo Jinka.
GUNAANAD:
Ciddii aan ku dhaqmin shareecada Islaamku ma aha islaam, marka waxaa
is weyddiin leh haddii aanay ahayn islaam waa maxay. Ma gaalaa aan
salaad iyo soon iyo cibaado laga aqbalayn oo uu camalkoodu joogsaday
baa mase waa muslim caasi ah. Anigu waxaan u arkaa in uusan qofkaas
sheegan karin msulim marba haddii uusan Alle caabudayn. Waxaa Alle
caabuda ruuxii manhajkiisa sida uu yahay ugu dadaala in uu u fuliyo haddii
gef ka dhacana ka qoomameeya dibna isaga ilaaliya. Laakiin ruux aan dan
iyo muraad ka lahayn Allena caabudin oo aan shareecadiisa ku dhaqmin,
waa uu ka duwan yahay midka caabuda.
Waxaan ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto ugu digayaa in
ay yeeshaan dastuur dad sameeyey ciddii ula timaaddana waa in ay ku
diidaan, haddii xoog iyo dagaal loola yimaaddo si loogu qasbo qaadashada
dastuurka waxaa xaq ah in laga dagaalamo.
OGAADA RUUXII ALLE CAABUDAA WAA RUUXA KU DHAQMA
SHAREECADIISA.
————————————————————
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>