Dhimashada inta la hubo ayaa hadda gaareysa Shan iyo Toban Qofood halka dhaawucuna uu Lixdameeye sii cagcageynayo ka dib dagaalkii shalay afurkii waqtiga Muqdisho ka dhacay agagaarka Tarabuunka ee magaalada Muqdisho.
Dagaaladan oo u dhexeeya ciidamada dowladda iyo Xisbul Islaam ayaa waxay ka sokoow qasaaraha ka dhashay abuureen argagax iyo welwel hor leh maadaama dagaalku waa halkiisee magaalada afarteeda dhinac sida u caadada ah ay Madaafiicda goobta ku garaaceen ciidamada AMISOM.
Dhinacyada dagaalay oo aan dheg jalaq u siin qasaaraha soo gaaray shacabka ayaa guulo kala sheegtay waxayna weli ku doodayaan in dagaalkaas uu ahaa mid waqti munaasib ah dhacay inkastoo dadka deegaanka iyo waxgaradku ay aad uga xumaadeen dagaaladan dabada dheeraaday ee weliba sii socda xili Ummadaha islaamka ah meel kastaba ha joogaane ay gudanayaal waajibka Alle dul saaray ee Soonka.