Madaxweyne Shariif oo shalay ka baqoolay magaalada dagaalada ka daashay ee Muqdisho isaga iyo Mas'uuliyiin kale oo la socday ayaa markii uu gaaray Khartoum wuxuu la kulmay dhigiisa Suudaan Al-Bashiir.
Shariif iyo Al-Bashiir ayaa ka wadahadlay xaalada uu hadda dalka Soomaaliya marayo, dagaalada ka socda Muqdisho, Dowladda iyo qorshaheeda nabadda iyo weliba xiriirka labada dal ee mudada dheer jiray.
Safarka madaxweynaha ayaa ku soo aadaya xili magaalada Muqdisho ay ka dhaceen dagaalo lagu baab'iyay shacabka ku guda jira Gudashada Soonka Waajibka ah.