Wasaaradda Cadaaladda, Garsoorka, Awqaafta iyo arimaha diinta ayaa maanta qalab ka kooban cod baahiyayaal ugu deeqday xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho.
Wasiirka wasaaradda Cadaaladda, garsoorka, Awqaafta iyo arrimha diinta Axmed Xasan gaboobe “Ugaas Bile” ayaa maanta qalab ka koobnaa codbaahiyayaal ugu deeqay xabsiga dhexe ee Muqdisho, si wax loogu baro maxaabiista ku jirta Xabsigaasi.
Ugaas Bile ayaa qalabkaasi guddoonsiiyay taliye ku xigeenka ciidanka Asluubta ahna ku simaha taliyaha S/guuto Ibraahim Axmed C/lle, wuxuuna wasiirku tilmaamay in qalabkaasi uu ka koobanyahay Mikarafoonno, Ambalafaayar, Samaacado iyo Mixserto kuwaasi oo ay wasaaraddu ugu talagashay in wax lagu baro Maxaabiista ku xirxiran xabsiga dhexe maadaama ay yihiin maxaabiis aan dibada waxba ka baran Karin.
Taliye ku xigeenka ciidamanka Asluubta ahna ku simaha taliyaha xabsiga dhexe S/guuto Ibraahim Axmed C/lle oo qalabkaasi lagu wareejiyay ayaa wasaaradda uga mahadceliyay qalabkaasi ay ugu deeqday xabsiga dhexe wuxuuna intaa ku daray in qalabku uu ka mid ahaa adeegyada muhuumka ah ee ka maqnaa xabsiga dhexe, isagoo xusay in loogu faa’iideyn doono maxaabiista ku jirta xabsigaasi.
Ma aha markii ugu horreeysay ee xabsiga dhexe la gaarsiiyo deeq loogu talagalay Maxaabiista ku jirta xabsigaasi, dhawaan ayeey aheyd markii wasaaradda Caafimaadka ay xabsigaasi gaarsiisay deeq dawo ah oo loogu talagalay Maxaabiista ku jirta xabsigaasi.
↧
Wasaarada Cadaaladda Oo Qalab Cod baahiyayaal Ah Ugu Deeqday Xabsiga Dhexe
↧