Muqdisho(GMN)-Bashiir C/llaahi Nuur oo ahaa ninkii isku halaagay qaraxii ka dhacay Wasaarada Hargaha iyo saamaha ee Magalada Muqdisho oo ka hor inta uusan isqarxin la hadlay idaacada ku hadasha afka shabaab ayaa sheegay in qaraxa uu fulin rabo shabaab ay ka faa’idi doonaan helida dukumiintiyo sir ah.
“Qaraxa aan fulinayo waxa aan kaga deysanayaa walalihii geytay qaraxyadii 11-kii september” ayuu yiri Bashiir oo ishalaagay
Mar Idaacada Shabaabka ay weydiisay hadii ay dhintaan arday iyo inkale ayuu sheegay in aradaydaasi ay wax barayaan sida uu sheegay naftii huraha dad gaala ah isla markaana aan waxba laga faa’idin.
Isagoo dardaaramaya ayaa idaacada shabaabka waxaa uu sheegay inuu u mahadcelinayo Saraakiisha Shabaabka ee ku dhiiragaliyey inuu isqarxiyto.
“Waxba uma arko hadii aan dhinto waayo waxa aan dilayaa wasiiro iyo ciidamo dowada ah” ayuu markale yiri bashiir oo ka muuqatay hadalkiisa inuu ku faraxsan yahay inuu ishalaago.
Si kastaba waxa aan marnaba daaha saarmeyd in dhibaato ba’an loo geyray aryaday soomaaliyeed kuwaas oo deeq waxbarsho ka helay Dowlada Dalka Turkiga
Gedo Online News
Gedoonlinenews@gmail.com
↧
Naftii Hurihii Qarax Geystay Oo Ka Hor Inta Isqarxin Hadlay
↧