India ayaa waxa ay soo bandhigtey wax ay ugu yeertay computerkii ugu raqiisasnaa ee dunida iyadoo lagu sheegay qiimihiisa 35doolar. Kombuterkan oo loo bixiyey Aakash ayaa loogu talogalay in ardayda dalka Hindiya uu wax u taro. Kombuterkan ayaa la sheegay in laga isticmaali karo Internetka laguna qaban karo wax loo yaqaan video conference oo ah.
Munaasabad lagu soo bandhigayay computerkan ayaa wasiirka u qaabilsan horumarinta aadanaha dalka Hindiya Kapil Sibal uu guddoonsiiyey illaa shan boqol oo arday computeradan loogu magac daray Aakash oo la macno ah cirka.

Wasiirka ayaa sheegay in xukuumada Hindiya ay soo iibsan doonto illaa boqol kun oo Aakash ah iyadoo rajeyneysa in illaa toban malyan oo arday ay siiso qalabkan.

Aakash ayaa waxaa sameeyey shirkad xarunteedu tahay dalka Ingiriiska oo lagu magacaabo DataWind iyo Machadka Horumarinta Cilmiga ee dalka Hindiya (Rajasthan).

shirkadda soo saartay Computerkan yar ayaa waxa ay sheegtay in dhammaadka sanadkan soo bandhigto nooc kale oo lagu magacaabo UbiSlate kaasoo la iibin doono qiime dhan $60.

Si kasta ha ahaatee waxaa jira cabsi ay qabaan dadka wax odorosa ee dalka hindiya iyagoo ka cabsi qaba in qalabkan uu noqdo mid aan wanaagsanayn oo aan lahayn adkeysi badan.