Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha Soomaaliyeed (SHARMOC)
———————————————————————————–
Ref: Sharmoc30110010
Date: 05 October 2011
Ujeeddo: War Saxaafadeed
Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha Sharmoc oo Cambaareeyey Xasuuqii Magaalada Muqdisho Kuna Tilmaamay Fal Bahalnimo
Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha Soomaaliyeed ee (Sharmoc) Waxa uu si weyn u Cambaareynayaa weerarkii waxashnimo ee lagu laayey Ardaydii iyo Shacabkii Soomaaliyeed eek u sugnaa Wasaaradii Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare taasoo Umadda Soomaaliyeed iyo bahda Waxbarashada u ahayd Maalin madow.
Falkaan oo ay ku dhinteen in ka badan 90 qof isla markaana ay ku dhaawacmeen in ka badan 140 kale oo u badnaa Arday u timid goobta si ay u ogaadaan Natiijada Imtixaankii ay u gelayeen in ay u baqoolaan Jaamacadaha kala duwan ee dalka Walaalaha aan nahay ee Turkiga ayaa waxa uu naxdin iyo argagax ku abuuray dhamaan Umadda Soomaaliyeed, waxaana wax laga xumaado ah in weerarkaan waxashnimo ay sheegtaan dad naftooda ku tilmaamaya Muslimiin leh akhlaaq iyo Damiir.
Weerarka ayaa waxaa dadkii ku dhintay ay ahaayeen Arday da’doodu u dhexeyso 15-27 sano iyo Waalidka qaar soo raacay Caruurtooda si ay ula qaybsadaan dareenkooda ku aadan Natiijada Imtixaankii ay u galeen Waxbarasho dibadda ah waxaana haleelay Qaraxa oo halkii ay faxi lahaayeen u bedelay Murugo iyo calool xumo waxaana falkaan uu yahay mid aysan hilmaami doonin umadda Soomaaliyeed.
Waxaan shaki ku jirin kooxda Al-Shabaab ee sheegatay weerarkaan in ay yihiin koox kazoo horjeeda Danaha Umadda Soomaaliyeed iyo horuumarkeeda maxaa yeelay waxaa falkoodu ka tarjumayaa bahalnimo iyo cadaawad xun, mar haddii ay gumaadeen mirihii Mustaqbalka Somalia iyo Iftiinkii Umadda, iyadoo haba yaraatee aysan u harin wax kayd wanaagsan ah oo ay ku leeyihiin umadda Soomaaliyeed dhexdeeda.
Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha Soomaaliyeed ee (Sharmoc) waxa uu sidoo kale dhaliilayaa habacsanaanta amniga ee Dowladda KMG ah ee Somalia iyo Xoogagga nabad ilaalinta Amisom oo aan wax lataaban karo ka qaban in falkaan oo kale ku dhaco shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan gudaha in badan oo kamid ah Wasaarado door ah ee Dowladda KMG ah ee Somalia.
3-dii December 2009-kii ayey ahayd markii sidaan oo kale loogu gumaaday Hotelka Shaamo ee Magaalada Muqdisho, dad isugu jiray Arday, Macalimiin, Waalidiin, Aqoonyahano iyo Madax ka tirsan Dowladda KMG ah ee Somalia fal ismiidaamin ahaa kaasoo lala beegsaday Xaflad qalin jebin ahayd oo ay dhigayeen arday kazoo baxday Kulliyadda Caafimaadka ee Jaamacadda Banaadir, taasoo siweyn u dhalisay carada loo qabay kooxihii ka dambeeyey falkaas.
Ugu dambaayn Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha Soomaaliyeed ee (SHARMOC) waxa uga digayaa dadka ku howlan falalka ka dhanka ah Xuquuqda Aadanaha, galayana falal kazoo horjeeda Diinta islaamka, Dhaqanka Suuban ee Soomalida iyo Xeerarka Caalamiga ah in uu maalin hor iman doono Caddaaladda lagana abaal marin doono falalka ay gaysteen.
Wabillaahi Towfiiq
Nadia Hagi Hassan
Agaasimaha
Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha Soomaliyeed (SHARMOC)
↧
Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha Sharmoc oo Cambaareeyey Xasuuqii Magaalada Muqdisho Kuna Tilmaamay Fal Bahalnimo
↧