Dowladda Soomaaliya ayaa waxay maanta hawl-gallo saf balaaran leh ay ka fullisay Suuqa weyn ee Bakaaraha, iyadoo dhinaca kalana ay maanta taggeen masuuliyiin ka tirsan Dowladda Somaliya.
Dowladda Somaliya ayaa waxay maanta Ciidamadda Qalabka Sida ay u daabushay Suuqa Caalamiga ah ee Bakaaraha, halkaasoo ay maanta hawl-gallo balaaran ka fulliyeen Ciidamadda Dowladda, waxayna ku soo qab-qabteen dhawr ka mid ah walxaha qarxa.
Ciidamadda Qalabka Sida ayaa waxay hal-hal ay u baareyn bakhaarada ganacsi ee ku yaalla Suuqa Bakaaraha, kahor inta aysan furin ayaa waxay iskugu yeereyn milkiila-yaasha Bakhaaradaasi, si’ay iyagoo dul taagan loogu sameeyo baaritaano.
Masuuliyiin ka kala tirsan Maamulka Gobolka Banaadir, Ciidamadda Dowladda iyo Maxkamadda Ciidamadda Qalabka Sida, ayaa waxay goob joog ka ahaayeen sida ay Ciidamadda Qalabka Sida, ay baaritaanada balaaran u sameynayeen.
Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamadda Qalabka Sida ee Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya G/Sare Xasan Maxamed Xuseen “Muun-gaab”, oo goobtaasi kula hadlay warbaahinta, ayaa wuxuu daboolka uu ka qaaday in Maxkamadda Ciidamadda Qalabka Sida, ay dooneyso oo kaliya inay baacsato kooxaha uu sheegay, inay taabacsan yihiin Xoogaga Shabaab.
Kooxaha taabacsan Shabaab ayaa wuxuu sheegay haddii ay ka soo dhex qabtaan Suuqa Bakaaraha, inay ku Maxkamadeen doonaan isla Bakaaraha, waayo buu yiri maaha kuwo marnaba loo-dul qaadan karaayo.
Taliye ku Xigeenka Ciidamadda Ammaanka/Booliska ee Dowladda Kmg ah ee Soomaaliyada Mudane Saciid Daahir Saciid, oo isna goobtaasi kula hadlay warbaahinta, ayaa wuxuu sheegay in hawl-gallada ay maanta ka wadaan Suuqa Bakaaraha, ay la-xiriirto xaqiijinta ammaanka.
Ugu dambeen Gudoomiye ku Xigeenka Amniga ee Maamulka Gobolka Banaadir ee Dowladda Kmg ah ee Soomaaliye Mudane Warsame Maxamed Xasan “Joodax”, oo isna madashaasi kula hadlay warbaahinta, ayaa wuxuu ganacsatada iyo shacabka Somaliyeed uu ugu baaqay, inay taageeraan Dowladda Soomaaliya, loogana hortaggo buu yiri kooxaha fitna-wada-yaasha ah.
↧
Madax ka tirsan Dowladda oo maanta tagay Suuqa Bakaaraha iyo hawl-gallo laga fulliyay.+Sawiro
↧