Waxaa cajiib ah in ummaddii Somaaliyeed oo
dhiig bax iyo qax aan ka dhamaan in meelinba loola yimaadu sheeko
rakhiis ah oo kuwa watta ey u tahay madadaalo iyo waqti ku gaar kuwa loo
sheegaayana ey u tahay lumis dhaqaale iyo waqti. Lumista waqti iyo
dhaqaale waa ku dheereyn halaaga iyo burburka ; maxaa wacay lama abaarin
xal u helida dagaal joogta ah iyo dejinta inta qaxa ogu baaba'san
agagaarka Xamar iyo gudaha Xamar iyo gobolada loomana hurin dhaqaalaha
la geliyey qoris waraaqo. Shaki kuma jiro in musiibada ummad eysan
aheyn mid ka baxsan hab dhaqankiida iyo lumista dhowrkii ummadnimo oo
lumey. Maanta Somalia dhibku wuu wada gaarey ummad iyo shacab ahaan
laakinse wey is kala saareyn isuna qeybiyeen deegan gobol oo aan
dhaafsiisneyn siyaasiinta yagleelatey maamul goboleed. Run ahaantii
Maamul goboleed inta isku duwatey una hirgashey waxey u xoob
siibanayaan gaar isu taag ka madax banaan Somalia ; maxa wacay waxaad ka
aragtaa inta aan u dhalan in la qixiyo laguna eediyo nabad la'aan
yihiinna shisheeya ku soo qaxay gobolka.
Waa mahad Alle haddii ey jiraan gobolo somaalidu ku seexdaan nabad iyo xabad la'aan.
Shacabka Somaaliyeed waxay moogan yihiin in
musiibada labaatanka sano jirsatey walina aan xal loo heyn yihiin
siyaasin kuwii abuurey walina wada. Waxaa yaab ah in sayaasinta Somalia
ey'yan marna ku soo bixin cod shacab iyo rabitaan shacab Somaaliyeed.
Ahkriste waxaa ayaduna cajeeb ah in shacabku yihiin xaabada lagu shido
dabka ummadda ; siyaasina uu sheegtu in uu mas'uul ka yahay. Kan lagu
qeybsadey magac qabiil laguna xalaaleystey lahaanshihiisa iyo ku
dhowrsi tag ama ku dagaal gal waa shacabka Somaaliyeed. Kan qaxey
gaajo iyo cudurna u dheertahayna waa shacab. Soo marka akhriste ma ahaa
kan dhiig bax iyo qax u jooga ah maalin walba uu yahey kan mindida
daabkeed haya oo isu xiiraaya una ah siyaasiga maadada uu u isticmaalo
dantiis gaar ahaaneed. Waa in kan jirin oo daawo doonka ah yahay kan
abuuraaa cudurka ; kan cabaadiye oo halaagsamey uu yahay isagu kan ka
denbeeya halaaga. Waa shacab dibane ah waana shacab kan loo isticmaalo
xumaan oo dhan.
Waxaa maanta cajiib ah in la wado Distuur la
leeyahay shacabka ayaa cod looga dooni. Waa riwaayad dadka loo digi
ayaguna aan is ogeyn runtiina ah maqane jooge oo muqaal ahaan isu
mooqda. Heykalka dowladeed ee maanta ka jira Xamar ma yahay mid qaadi
karaa mas'uuliyadda sameyn Distuur? Ma awooda in uu cod bixin sameeyo
isago aan xukum Xamar? Shacabka codka laga qaadi yey yihiin xaggina
joogaan? Xaalad Nabadeed ma jirta cod lagu qaado? Shacab baahan xabadina
ku socottu maalin kasta qax u joogna ah iyo cod bixin ma is qaban
karaan?? Heykalka Dowladdu jidka Macka e'yeysan nabed iyo heybad
dowladnimo ku marin sii cod qaadis u niyeysteen??
Maanta Madaxweynaha Somalia iyo R/wasaarha
dhamaan inta wasiir ah iyo baarlamaan waa dheeq ku nool ama ceyr
qaatayaal "Socailwalfare" weeye run ahaan. Wadan iyo shacabka uma ahaa
kuwa u adeega kuna nool shacabkood; yaa leh mudnaanta cod bixin iyo
awooda fulinta Distuurka ?
Distuurka ya lagu maamuli haddaan xaalad
xaqiiq ahaan uusan maanta ka jirin dal iyo shacab la xukumo Somalia?
Kharajka lagu khasaariyey sameynta iyo isu keenidda aqoon yahan maa loo
leexsho dhaqaalaha iyo aqoon yahankaba in ey raadiyaan sidii xal loogu
heli laha somaalia? Waxaa xaqiiq ah kuwa wada ololaha Distuur jecelna in
loogu yeero Dowlad in ey aamineen in aan la heli karin xal inta aan la
helin isu tanaasul iyo u daneynta shacab iyo wadan?
Ogu dhambeyn hadal deyn meyno walow aan ogahay in
badan oo iga aragti iyo aqoon badene ey ka hadleyn/hadlaan maxaa wacay
qofna eelkiisa looma galo. Wadanka annaga leh annagana
buburiney/burburineynaa, waxaa isu kala qeybiyey oo isla markaasna ku
qaba halaag iyo musiibo waa annaga. Ogowna inta naga fa'ideysata oo naga
mid ah cidla wax kuma noqon ee waan ka dhigney waxa ey
yihiin..............
Allow sahal.
Dhoore
Wa Billaahi Towfiiq
Dhoore