Ciyaartoyda xulka kubadda cagta ee somalia ee Dadoodu ka hooseyso 20ka
sano ayaa mar kale la yaab ka dhigey taratanka ciyaaraha bariga iyo
bartamaha qaaradda africa ee 20ka sano ee ka socda dalka Eritrea.
Xulka Somalia ayaa kulankii 2aad ee groupka ay ku jiraan ee A la yeeshey
xulka Tanzania ciyaartaasi oo ahayd mid aad u adkeyd garoonkana uu ka
da”ayey roob xoog badan,ayaa xulka tanzania ay gool ku hormareen
daqiiqadii 40aad ee qeybtii hore markii uu qalad uu sameeyey no-4 ee
x.somalia uu ka faaideystey weeraryahanka tanzania taasi oo ay gool ku
dhaliyeen tanzania.
Laakiin ciyaartoyda xulka somalia oo muujinaya dadal iyo karti dheeri ah
ayaa waxaa ay halkii kasii wadeen weeraro ay ku qaadayeen goolka xulka
tanzania,ugu danbeyntiina u suurta gashey inay iska soo gudaan goolkii
lagu lahaa,xidiga lagu magacaabo Baaruud ayaana ka dhigey ciyaarta1-1
daqiiqadii 60aad ee qeybtii danbe.
Somalia ayaa halkaasi ka sii wadey weeraro ay ku qaadayeen goolka xulka
Tanzania iyada oo fursado dhowr ah iska qasaariyey,lakiin daqiiqadii
70ad ee ciyaarta ayaa garsoorihii kulanka waxaa uu penalty ama rigoore
ka dhigey xulka somalia markii xidiga khadka dhexe ee lagu magacaabo
C/kariin x.uu jalaafey no.9aad ee tanzania isagaiina la siiyey Rozze,
nasiib wanaag goolhayaha xulka somalia Khaalid cali mursan ayaa
badbaadiyey rigoorihii taasi oo ciyaarta ka dhigtey in gebi ahaanba ay
ku soo idlaato 1-1
Xulka qaranka somalia oo guruubkoodu ka kooban yahay 5 xul ayaa ilaa
iminka waxaa ay urursadeen 2dhibic,maadaama ay Sudan iyo Tanzania la
galeen bar-bardhac,waxaana kulanka kale ee sadexaad ay ciyaari doonaan
19ka bishan oo ah galabnimo khamiis ah waxaana ay la kumi doonaan Kenya
oo la xusuusto in under-17kooda daaqadda laga saarey horaantii
sanadkan,markii labadii kulan ee Djaboute iyo kenya lagu ciyaarey ay
somalia ku soo baxdey 3-1.
Si
kastaba xulka somalia ayaa waxaa ay garoonka Asmara ka heleen
taageerayaal aad u fara badan oo somali iyo Eritrean isugu jira waxaana
la sheegey inay yihiin xulka labaad ee ugu taageeraha badan marka laga
soo tago marti geliyayaasha Eritrea,waxaana xusid mudan in kulanka ugu
danbeeya ay la leeyihiin isla Eritrea iayada oo groupka laga doonaayo
2xul oo keliya.
.
C/xafiid C/samad Zaciimka
sports journalist muqdisho
zaciimka02@hotmail.com
↧
Xulka K/Cagta Somalia Rajo ka qaba iney u soo gudbaan wareega labaad ee ciyaaraha CECAFA ee ka socda dalka Eriteriya
↧