Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Ciidamada dowladda KMG oo baaris ku bilaabay suuqa Bakaaraha

$
0
0

Maalintii labaad ayaa waxay ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ka wadaan suuqa Bakaaraha baaritaan ku wajahan dhinaca amniga, waxaana la sheegay in bakhaarada qaar laga helay maanta walxaha qarxa.
 
Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda KMG oo maanta booqday suuqa bakaaraha ayaa  sheegay in howsha baaritaan ee ka socota suuqa Bakaaraha ay tahay mid lagu xaqiijinayo ammaanka suuqa Bakaaraha.
 
Taliye ku-xigeenka ciidamada Booliiska gobolka Banaadir Saacid C/llaahi oo ka mid ah saraakiisha suuqa booqatay ayaa warbaahinta kula hadlay gudaha suuqa wuxuuna sheegay in la baarayo goob walba oo ganacsi si loo hubiyo inaysan ku jirin waxyaabaha qarxa, markaas kadibna ganacsatada loo fasaxayo inay ka howl bilaabaan suuqa.
 
Taliye ku-xigeenka ayaa sheegay in baaritaanka ay ka qayb galayaan dhammaan ciidamada dowladda Soomaaliya qorshuhuna uu yahay in dadku ay si nabadgalyo ah ugu shaqeystaan Bakaaraha, isagoo sheegay intii howlgalku socday in la qabtay budooyinka laga sameeyo waxyaabaha qaraxa.
 
Guddoomiyaha maxkamada ciidamada dowladda KMG G/sare Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo isaguna ka mid ahaa saraakiishii ku sugnaa suuqa ayaa sheegay inay kormeer ku sameeyeen gudaha suuqa wax dhibaato ahna aysan arkin, isagoo xusay in ciidamadu ay ka shaqeynayaan ammaanka suuqa, ganacsatadana looga baahan yahay inay iyaguna qayb ka qaatan sugidda ammaanka suuqa.
 
Guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga ee maamulka gobolka Banaadir Warsame Maxamed Xasan (Joodax) oo ka mid ah xubnaha suuqa booqday ayaa isna sheegay in loo baahan yahay in ammaanka laga wada shaqeeyo, isla markaana uu suuqu noqdo mid ka amaan ah qulqulatooyin.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>