Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Daawo Sawirada 36 ka mid ah Dhaawayadii Qaraxii Argagixisada Fuliyeen oo Maanta loo Duuliyey Turkiga

$
0
0

Muqdisho (RBC) Waxaa duhurnimadii maanta garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cadde laga duuliyey 36 ruux oo rayid ah kuwaasoo dhaawacyo ka soo gaareen weerarkii argagisanimo ee kooxda Al-Shabaab ku beegsadeen dad rayid ah maalimtii Talaadada.
Wiil yar oo ka mid ah dhaawacyada jirkiisuna guban yahay
Diyaarad ay leedahay shirkadda TURKISH AIRWAYS ayaa saaka waabarigii soo fariisatay garoonka taasoo ay la socdeen kalkaaliyaal iyo dhakhaatiir caafimaad, waxaana la saaray 36 ruux oo ka mid ahaa dadkii ugu darnaa dhaawacyada oo laga soo saaray isbitaalada.   Waxaana xusid mudan in dhaawacii 37-aad oo ahaa nin uu ku dhintay garoonka diyaaradda hoosteeda ka hor intii aan la saarin.

Diyaaradda qaaday dhaawacyada ayaa ah mid caafimaad oo dhaawcyadu ka heli karaan adeeg caafimaad inta ay hawada ku jiraan, waxaana sida la sheegay caawa ay ka degi doontaa garoon ku yaalla magaalada Ankara iyadoo dhaawacyada la geyn doono isbitaal dawlada Turkigu leedahay.
Qaar ka mid ah ciidamada Amisom oo dadka saaraya diyaaradda
DKMG ayaa hawsha dhaawacyada u saartay guddi wasiiro ah oo uu hogaaminayo wasiirka caddaalada Ugaas Axmed Bile, wuxuuna wariyaasha u sheegay in qof kasta oo dhaawac ah loo ogolaaday in hal ruux oo ehelkiisa ah uu raaco.

Diyaaradda Turkish Airways oo dhaawacyada ka qaadeysa Garoonka Muqdisho
Waa qeybtii ugu horeysay oo ka mid ah dadki ku dhaawacmay qaraxii musiibada ahaa ee ay Al-Shabaab u geysteen indhaha dadka Soomaaliyeed, iyadoo ay jiraan dad kale oo fara badan oo iyaguna u baahan in caafimaad dibada loogu qaado maadaama dhaawacyadu ka dhashay qaraxa oo ku dhow 200 ruux ay u badan yihiin dad jirkoodu gubtay gudaha dalkana wax loogaga qaban waayey, siday sheegeen dhakhaatiirta.

Dawlada Turkiga ayaa noqotay dawladii ugu horeysay ee u soo gurmata dadka dhibaateysan ee Soomaaliyeed iyadoo dhanka kale ay dalka ku sugan yihiin hay’ado iyo shaqaale samafal oo Turkish ah oo caawinaya dadka barakacayaasha, Waxayna tallaabadani muujineysaa walaaltinimada shacabka iyo dawladda Turkiga u hayaan ummada Soomaaliyeed.
RBC Radio


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>