Steve Jobs, waaka dharka madow gashan
Waxaa xalay ku geeriyooday dalka Maraykanka (USA) Managerkii shirkadda caanka ah ee Apple, Steve Jobs. Sidii aynu maqaalkeenii bisihii ogos 28 kaga soo hadalnay xaaladiisa caafimaadeed ee Steve Jobs. Waxanu u geeriyooday cudurka dilaaga ah ee Kansarka, oo hayey muddo 7 sanno ah, laga soo bilaabo 2004. Cudurka Kanserka oo kaga dhacay xaga qanjidhada boga. Da´diisuna waxay ahayd 56 jir. Waxa uu ka tegay 3 carruura iyo xaas, 2 hablood iyo wiil. Asalkiisii wuxuu ka soo jeedaa dalka Lubnaan (Lebanon) aabihii waxaa la odhan jiray Abdulfattah Jandali hooyadiina waxaa la odhanjiray Joanne Schieble. Waxaa soo korsaday, lamaanaha, Paul och Clara Jobs. Sidaas magacii loogu bedelay Steve Jobs.
”Waxa macnoo ay iigu fadhidaa ma jirto ama macno ii samaynaysaa in aan noqdo ninka ugu taajirsan ehlu xabaalaha. Ta macno ii samaynysaa ee macno ii leh ama qiimo ii leh, waa marka aan ogaado habeenkii marka aan sii seexanayo in aan sameeyey wax qiimo leh macno leh. Waa hadal laga hayo, Steve Jobs, mar ay waraysanayeen Tv-ga ABC News, dhawr bilood ka hor intii aanu geeriyoon.
Waxaan isla maanta oo taariikhdu tahay 6 Oktoober, ku geeriyootay dalka Ingiriiska, fannaanadii caanka ahayd ee, Faadumo Qaasim Hirowle oo xanuun u jiiftay beryahanba.
Waxaa soo diyaariyey: Nuux Ismaaciil Maxamed (Ina Ismaaciil Somali Airlines)
Bahda mareegta caafimaadka
Emayl: Editor@caafimaadka.com
Emayl: Caafimaadka@gmail.com
↧
Manager-kii shirkadda Apple oo u geeriyooday xanuunkii canserka Steve Jobs
↧