Halkaan waa xaruntii Hargaha iyo Saamaha oo ay ku shaqeyn jireen ilaa iyo Sideed Wasaaradood oo ka tirsan wasaarada dowladaha KMG waxaana haatan ay tahay mid Bur bursan ka dib markii uu ka dhacay qarax xoog badan oo ay Al-Shabaab Sheegteen.
Halkaan Nala Daawaca Waa muuqaalkii Hore ee Xarunta Hargaha iyo Saamaha ka hor inta aysan Qaraxa la eegan ururka Al-Shabaab ee ka soo horjeeda dowlada KMG Soomaaliya.
Waa mid ka mid ah dadka sida xun ugu dhaawacmay Qaraxii xooganaa ee ka dhacay magaalada Muqdisho kaasi oo ay ka danbeeyeen ururka Al-Shabaab waxa uuna xiligaan la geeyay Isbital oo lagu dabiibayaa.
Muuqaalka idiin Muuqda waxaa nin oday ah oo Da’ ka muuqato kaasi oo ku waxyeeloobay Qaraxii ka dhacay Muqdisho wuxuuna Salamayaa madaxweynaha Soomaaliya oo ku soo booqday Isbitalka.
Waa mid ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxii xooganaa ee ka dhacay Muqdisho oo loo qaadayo wadanka Turkiga waxaana dhibanahaan uu ka midyahay in ka badan 30ruux oo oo dhaawacyo kala duwan qaba oo loo qaaday wadanka Turkiga.
Halkaan waa Isbitalka Madiina ee magaalada Muqdisho waxaana Isbitalkaan uu ka midyahay isbitaalada ugu waaweyn magaalada Muqdisho oo la gaarsiiyo dadka dhaawacyada ah.
Halkaan waa garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho waxaana xiligaan taagan diyaarad laga leeyahay wadanka Turkiga sidoo kale garoonka gudihiisa waxaa taagan dad aad u badan.
Madaxweynah dowlada KMG Soomaaliya ayaa bilaabaya olo nadaafadeed oo ka bilowda magaalada Muqdisho si loo qaado waxyaabaha nadaafad darida ah sida Qashinka iyo Wasaqda.
Halkaan waa gudaha Dekada Magaalada Muqdisho ee Caalamiga ah xiligaan waxaa Dekada ku xiran Maraakiib iyo Doonyo, sidoo kalana waxaa banaanka hore yaala gawaari badan.
Halkaan waxaa suuqa Bakaaraha ee Muqdisho ciidamad dowlada KMG ayaa manta ka bolaabay Howlgalo guri guri ah kaasi oo lagu baarayo dhamaanba Suuqa.
Muuqaalkaan waa magaalada Dhuuso Mareeb ee xarunta gobalka Galgaduud dhowaan ayaa waxa ka dhacay dagaal u dhaxeeya Al-Shabaab iyo Ahlu Suna waxaana xiligaan magaalada laga dareemayaa cilo baahsan.
↧
Raxanreeb iyo Sawiradii Isbuuca 07/10/2011 (Photo News)
↧